Somalia: Wasiirka Aminga oo shaqada ka joojiyay Taliye Xijaar

Muqdisho-(Berberanews)-Wasiirka Amniga, Cabdullaahi Mohamed Nuur ayaa shaqadii ka joojiyay taliyaha booliiska General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) kadib hadalkii uu xalay jeediyay oo uu ku baaqay in doorashada maanta dib loo dhigo — arrimo amni darteed.

Wasiirku wuxuu sheegay in Taliyuhu ku milmay siyaasadda iyo doorashada — isla markaana uu helay Xog muunineysa inuu ku Hawlan yahay falal khatar ku ah sida uu qoraalka u dhigay badqabka qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka.

Halkan ka akhriso.