Madaxweynaha Masar oo lagu tilmaamay “cadowga Ilaahay”.

Masar-(Berberanews)-Dowladda Masar ayaa ka laabatay go’aan ay ku mamnuucday in la tukado Salaadda Habeenka iyo in lagu tukado masaajidda, kaddib markii ay dadweynuhu ka cadhoodeen.

Labadan hab-dhaqan ayaa ah kuwa caado u ah in la soomo bisha Ramadaan, iyadoo salaad yaraawiix ah ay dadka Islaamka ahi tukadaan 10-ka dambe ee bisha.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mohammad Mokhtar Gom’a ayaa sheegay in xayiraadda loo dejiyay si looga fogaado faafitaanka coronavirus.

Balse Muslimiinta Masar ayaa dalbaday in lala simo dadka Kirishtaanka ah oo si weyn isugu soo baxayay si ay ugu dabaaldegaan Ciidda Masiixiga todobaadkan.

Hashtag la soo dhigay barta Twitter-ka Salaasadii ayaa ku tilmaantay madaxweynaha Masar Abdul Fattah al-Sisi inuu yahay “cadowga Ilaahay”.