Komishanka oo sheegay inay Xilkii ka qaadeen Guddoomiyaha iyo Riyo-raac oo beeniyay

Hargeysa-(Berberanews)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa sheegay inay xilkii ka qaadeen Guddoomiyahoodii Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), islamarkaana Guddoomiye loogu doortay Kaltuun sheekh Xasan Cabdi.

Balse Guddoomiyaha la sheegay in xilka laga qaaday Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku beeninayo xil-ka-qaadistiisa, isagoo xusay inuu Madaxweynaha Somaliland hore ugu gudbiyay go’aan uu kaga codsanayo in Guddi Baadhiseed uu Madaxeynuhu usoo magacaabo.

Labada war-saxaafadeed ee iskhilaafsan ee kasoo baxay Komishanka Dooradhooyinka Somaliland iyo Guddoomiyahooda, ayaa bannaanka soo dhigay Khilaaf huursanaa oo dhexmiranayay Xubnaha Komishanka.

Halkan ka akhriso labada war-saxaafadeed.