Baarlamaanka Ingiriiska oo Dowladda Weydiiyay Qorshaha Caawimada Suuqa Waaheen

Uk-(Berberanews)-Baarlamaanka Ingiriiska ayaa weydiiyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda qorshaha ay ugu talogashay caawinta dabkii khaasaaraha ballaadhan ka dhashay ee suuqa Waaheen ee Somaliland.

Xildhibaan Ruth Jones:  “Dabkii ka kacay Suuqa Hargeysa oo khasaare ba’an u geystay shacabka Somaliland, maanta Baarlamaanka UK ayaan wax ka weydiiyey waxa dhabta ah ee ay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ka caawinayso Somaliland.” sidaa waxa Barteeda kusoo qortay Xildhibaan Xildhibaan Ruth Jones oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska.

Su’aasha ay weydiisay ayaa u dhignayd sidan:-

“Dabkii dhawaan suuqa Hargeysa ka dhacay wuxuu ahaa mid saamayn adag ku leh shacabka Somaliland, waxaan fahansanahay in FCDO uu yahay mid taageere ah, waana arrin weyn, laakiin waa maxay tahay taageerada dhabta ah ee la siin doono shacabka Hargeysa si loo caawiyo inay noloshooda dub u dhistaan?” Ayay tidhi Xildhibaan Ruth Jones oo ka hadashay Fadhi Baarlamaabku lahaa.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka jawaabta