Rooble oo amray ciidammada ATMIS inay la wareegaan amniga Teendhada Afisyoone

MUQDISHO — Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Mr Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku amray taliska ciidammada hawlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS inay si degdeg ah ula wareegaan amniga Teendhada Afisiyoone ee magaalada Muqdisho oo lagu qabanayo doorashada guddoonka Golaha Shacabka berri Arbacada.
Rooble ayaa qoraal uu soo saaray caawa waxa uu ku yidhi; “Anigoo tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada, waxaan faray ciidanka nabad ilaalinta ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone si aan u taabba-galinno doorashada guddoonka Baarlamaanka, uguna diyaargarowno doorashada Madaxweynaha bisha soo socota.”
Ra’iisal-wasaaraha, waxa uu sheegay in Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Aqalka Hoose Cabdisalaan Dhabancad uu diyaarin doono liiska xildhibaannada gelaya teendhada lagu dooranayo guddoonka cusub berri, liiskaas oo kadibna loo gudbin doono ciidammada Midowga Afrika.
“Hoggaanka ATMIS waxay si dhow ula shaqeyn doonaan xafiiskayga iyo Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga iyo weliba Guddoonka Baarlamaanka. Sidaa darteed, liiska xildhibaannada gelaya teendhada Afisiyoone waxa soo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah, kaddibna waxa hubinaya oo ATMIS u gudbinaya xafiiskeyga,” ayuu yidhi Rooble.
Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Golaha Shacabka, ayaa sheegay shalay in taliska boolisku ka horistaageen inay teendhada ku dhaariyaan xildhibaannada lagu soo doortay Ceelwaaq, inkastoo eedayntaas uu beeniyey taliyaha booliska.