Farmaajo: “Xildhibaannada lagu soo doortay Gedo kama qaybgeli karaan doorashada guddoonka barlamaanka”

Muqdisho -(Berberanews)-Madaxweynaha Soomaaliya Mr Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa sheegay in xildhibaannada lagu soo doortay degmooyinka Garbahaaray iyo Ceelwaaq ee Gobolka Gedo aanay ka qaybgeli karin doorashada guddoonka barlamaanka oo ka dhici doonta teendhada Afisiyoone ee Madaarka Muqdisho berri Arbacada.
Farmaajo waxa uu sheegay in sida keliya ee xildhibaannada Gobolka Gedo kaga qaybgeli karaan doorashada shirguddoobka tahay heshiis wadar-oggol ah oo ay gaadhaan Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan Heshiiskii 17-ka September 2020.
“Sida ku cad wareegtadii uu Madaxweynuhu 22-kii April 2022 ka soo saaray doorashooyinkii isbarbar socday ee Gobolka Gedo, xildhibaannada lagu soo doortay degmooyinka Garbahaaray iyo Ceelwaaq kama qaybgeli karaan doorashada, iyada oo aan la helin heshiis ay wadar-oggol u gaadheen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan Heshiiskii 17-ka September 2020, ama aannu Barlamaanka 11-aad soo saarin sharci wax ka beddelaya xeerkii Barlamaankii 10-aad labadiisa Aqal ay hore u wada ansixiyeen,” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska Farmaajo caawa.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ka horyimi amar ka soo baxay Ra’iisal-wasaare Rooble galabta, kaas oo uu hawlgalka ATMIS ku faray inay la wareegaaan masuuliyadda amniga teendhada Afisyooni oo la filayo in lagu qabto doorashada guddoomiyaha barlamaanka iyo ku-xigeennadiisa berri.
Hase yeeshee, Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya masuul ka yahay sugidda amniga doorashooyinka dalka, sida ku cad habraacyadii ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran.
Waxa uu ku dooday in Hawlgalka ATMIS ku shaqaynayo hannaanka u degsan ammaanka doorashooyinka oo uu hormuudka u yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya.