Cabdi Xaashi oo markale loo doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya

MUQDISHO —(Berberanews)-Senator Cabdi Xaashi Cabdillaahi, ayaa markale loo doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, kadib markii uu wareeggii ugu horreeyey kaga adkaaday laba musharrax oo xilkan kula tartamayey doorasho ka dhacday teendhada Afisiyoone ee magaalada Muqdisho maanta.
Sentaor Cabdi Xaashi, ayaa wareeggii hore ee tartanka helay 28 cod, waxaannu fudud ugu guuleystay markale kursiga Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo uu ku fadhiyey tan iyo sannadkii 2017-kii oo xilkaas loo doortay.
Labada murashax ee la tartamayey Cabdi Xaashi oo kala ah Wasiirka Dastuurka Mr Saalax Axmed Jaamac oo helay 24 cod iyo Wasiirka Warfaafinta Cismaan Abokar Dubbe oo isugu helay laba cod oo keliya.
Sidoo kale, Senator Cali Shacbaan Ibraahim ayaa ku guuleystay kursiga Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare, isaga oo wareeggii labaad kaga adkaaday Cabdixakiim Macallin Axmed.
Cali Shacbaan ayaa helay 28 cod, halka Cabdixakiim Macallim Axmed uu helay 25 cod, waxana hallaabay hal cod.
Wareeggii koowaad ee doorashada ayaa ku dhammaatay Cabdixakiim oo helay 27 cod iyo Cali Shacbaan oo helay 26, taas oo ka dhigtay in wareeg labaad labaad la galo, maadaama midkoodna aannu helin 28 cod.
Senator Cabdillaahi Cali Timacadde ayaa isna ku guuleystay kursiga Guddoomiye-ku-xigeenka labaad.
Timacadde oo helay 30 cod ayaa wareeggii ugu dambeeyey doorashada kaga adkaaday Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo helay 23 cod. Waxa hallaabay hal cod.
Waxa codbixinta maanta ka qaybgalay dhammaan 54-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Aqalka Sare.
Doorashada oo lagu qabtay teendhada Afisyone ee garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa amnigeeda aad loo adkeeyey.