Sudan: dagaal dhexmaray Carabta iyo Afrikaanka Daarfuur oo lagu dilay 168 qof

Sudan-(Berberanews)-Ugu yaraan 168 qof ayaa lagu dilay dagaalka Carabta iyo dad aan Carabta ahayn ee ka socda gobolka Darfur ee dalka Suudaan, sida ay sheegtay hay’ad gargaar oo Suudaani ah.

Adam Regal, oo ah afhayeenka isku xidhka guud ee qaxootiga iyo barakacayaasha Darfur, ayaa sheegay Axadii in dagaalka ka socda deegaanka Kreinik ee gobolka Galbeedka Darfur ay sidoo kale ku dhaawacmeen 98 kale.

Waxa uu sheegay in iska horimaadku uu markii hore qarxay Khamiistii isagoo nin aan la garanayn uu qof ku dilay magaalada Kreinik, oo qiyaastii 30km (18 miles) bari ka xigta magaalada Genena, ee xarunta gobolka Galbeedka Darfur.

Iska horimaadka ayaa markii dambe gaadhay Genena, halkaasoo kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen dad dhaawac ah oo lagu daweynayo isbitaalka weyn ee magaalada, sida uu sheegay Saalax oo ah dhaqtar iyo agaasimihii hore ee isbitaalka.

Sawirro la soo dhigay online-ka Axaddii ayaa muujinayay guryo gubanaya oo cirka ku shareeray qiiq madow oo qaro weyn.
Kooxda hubaysan ee Carabta u badan ayaa caan noqday horaantii 2000-kii doorkii ay ku lahaayeen cabudhinta jabhadda qowmiyadaha tirada yar ee Darfur.

Qaar badan oo ka mid ah xubnahooda ayaa tan iyo markaas lagu daray ciidamada oo uu taliye u yahay General Mohamed Hamdan Dagalo, oo ah ku xigeenka hogaamiyaha Suudaan, sida ay sheegeen kooxaha xuquuqda.