Qodobbo ka soo baxay Kulan Hargeysa ku dhexmaray Somaliland iyo Dawlad-degaanka Soomaalida

Warmurtiyeed:-(Berberanews)-Kulan muddo saddex casho ah uga socday magaalada Hargeysa labada dawladdood ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawlad-degaanka Soomaalida Ethiopia, ujeeddadiisuna ahayd sidii la isaga kaashan lahaa, waxna looga qaban lahaa dhinacyada kala ah:

1. Sicir-bararka ka jira Degmada Tog-wajaale oo saameeyey dhaqaalaha labada dhinac.
2. Qiimo-dhaca ku yimi lacagta Birr-ta ee Ethiopia oo saamayn ku yeeshay ganacsiga
Degmada Tog-wajaale.
3. Lacagaha sharci-darrada ah ee ka gudba xuduudaha labada dal.
Kulankaas kadib, waxa labada dhinac isla qaateen qodobbo muhiim ah oo wax lagaga qabananayo xaaladda hadda ka taagan magaalo xuduudka Tog-wajaale, kuwaas oo kala ah:

1. In la nidaamiyo suuqyada lacagaha iyo maaliyadda ee Degmada Tog-wajaale

2. In si dhaqso ah wax looga qabto sicir-bararka uu keenay sarrif-bararka ku yimi lacagta Birr-ta Itoobiya.

3. In si buuxda looga wada shaqeeyo xasilinta dhaqdhaqaaqyada ganacsi iyo lacageed ee labada dhinac.

4. In tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado shaqsiyaadka iyo shirkadaha ku lugta leh
xasillooni-darrada suuqa sarrifka ee Degmada Tog-wajaale.

5. Waxa la abuuray guddi farsamo oo ka shaqayn doonta Deganaanshaha, Adkaynta iyo Dabagalka Suuqyada Ganacsiga, Lacagaha iyo Maaliyadda (Trade and Financial Markets).

Wa bilaahi tawfiiq