Ivory Coast oo gacanta ku dhigtay Cocaine qiimaheedu yahay
67.7 milyan doolar

Abidjan-(Berberanews)-Maamulka Ivory Coast ayaa gacanta ku dhigay in ka badan laba tan oo kookayn saafi ah, taasoo qiimaheedu dhan yahay 67.7 milyan oo doolar.

Maandooriyahan Cocaine-ka ah ayaa bishan lagu soo qabtay dad tahriibinayey, kadib hawlgal ay boolisku ka fuliyeen caasimadda ganacsiga ee Abidjan iyo magaalada dekedda ah ee San Pedro, wasaaradda arrimaha gudaha ayaa bayaan ay soo saartay ) ku sheegtay.

Sagaal qof oo ay ku jiraan dad u dhashay Ivory Coast iyo ajaanib ayaa la xidhay, waxaana ku socda baadhitaanno. Qaadista maandooriyaha ee Ivory Coast waa naadir, waxaana la helay kii u dambeeyay oo laban laab ka badan mid la qabtay bishii February markaasoo in ka badan hal tan oo cocaine ah lagu soo qabtay hawlgal habeenimo ah oo laga sameeyay degmada woqooyi ee Abidjan.

Qiyaastii 40 tan ayaa soo mara gobolka sannadkii, sida uu sheegay ururka iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta.