Hirdanka awoodda Puntland: Deni oo ka horyimi masuuliyiin uu magacaabay Karaash

Muqdisho  -(Berberanews)-Madaxweynaha maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland Mr Siciid Cabdillaahi Deni, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xilal cusub oo uu maanta magacaabay ku-xigeenkiisa, Axmed karaash oo hore u sheegay inuu la wareegay awooddii xukuumadda Garoowe.

Axmed Karaash ayaa maanta sameeyey magacaabistii ugu badnayd ee dhinaca agaasime waaxeedyada. Sidoo kale wuxuu magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni ayaa yidhi; “Anigoo ah Madaxweynaha Puntland Mr Saciid Cabdillaahi Deni, dhawrayana masuuliyadda iga saaran ilaalinta sarreynta sharciga sida ku cad Dastuurka dwladda Puntland qodobkiisa 80-aad, farqaddiisa 2-aad, fulinayana awoodaha Dastuuriga ah ee ku cad qodobka 80-aad, waxaan halkaan ku caddeynayaa in aanaysan dhaqangal ahayn wareegto kasta ee uu soo saaro Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland aniga oo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.”

Madaxweyne Deni, ayaa faray dhammaan hay’adaha dawladda Puntland in qof kastaa shaqadiisa qabsado, isla markaana aan loo hogaansamin wareegto kasta oo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo qawaaniinta kale ee Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, ayaa dhowaan shaaciyey inuu si kumeel gaadh ah ula wareegay hoggaamintii Puntland, taasoo ka dhignayd haddii madaxweyne Deni uu isku sharraxay madaxweynaha Soomaaliya inay isaga ku wareegtay masuuliyaddii hoggaamineed.

Siyaasiyiinta iyo ururrada mucaaradka Puntland ayaa taageeray go’aanka Axmed Karaash, waxayna madaxweyne Deni ugu baaqeen inuu xilka iska wareejiyo mar haddii uu xil kale raadsaday.