Taliye k tirsan ilaalada kacaanka Iran oo ka badbaaday isku day dil

Iran-(Berberanews)-Dabley hubeysan ayaa rasaas ku furay gaardh uu la socday Jeneraal ka tirsan Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ee IRGC oo ku sugnaa Koonfur Bari ee dalkaasi iyadoo ilaaladiisa lagu dilay dagaalka.

Sarreeye Guuto Hossein Almassi, oo ah taliyaha IRGC ee gobolka Sistan-Baluchistan, ayaa ka badbaaday weerarka gaadmada ah Sabtidii isaga oo aan wax dhaawac ahi kasoo gaadhin, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee IRNA.

Warbixintu waxay sheegtay in “dambiilayaal” ay rasaas ku fureen bar-koontarool oo ku taal gobolka koonfur-bari ee Iran, oo ah gobol xuduud la leh Pakistan iyo Afgaanistaan ​​oo ay ka dhaceen iskahorimaadyo u dhexeeya gooni-goosadka dadka laga tirada badan yahay ee Baluchi, kooxo kale oo hubaysan iyo ciidamada Iran.

IRNA ayaa sheegtay in ciidamada ammaanku ay gacanta ku dhigeen kuwii ka dambeeyay weerarka oo ka dhacay meel u dhow caasimadda gobolka Zahedan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ilaaladii la dilay lagu magacaabi jiray Mahmoud Absalan, oo uu dhalay Jeneraal Parviz Absalan, oo ahaa taliyaha kale ee IRGC ee gobolka. Gobolka faqriga ayaa sidoo kale ah marinka ugu weyn ee laga soo tahriibiyo ​​opium-ka iyo heroin-ka Afgaanistaan, taasoo ka dhigaysa bar ay iska hor imaadyada u dhexeeya kooxaha dambiilayaasha ah iyo kuwa daroogada ka ganacsada.

Weerarku waxa uu ku soo beegmay habeen ay dad badan u dabbaal-degeen xuska sannad-guuradii ka soo wareegtay aasaaskii Ilaalada Kacaanka kadib kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979-kii.

Toogashada dhimashada keentay ee Sabtidii ayaa sidoo kale timid laba maalmood ka dib markii Iran ay ku dhawaaqday in Sistan-Baluchistan lagu xidhay saddex qof oo ay ku sheegtay inay xidhiidh la lahaayeen sirdoonka Israel ee Mossad.

Berberanews.com