Faahfaahinta Xubno Al-shababab ah oo qorshaynayey in ay weerraro ka geystaan Addis Ababa

Addis Ababa  -(Berberanews)-Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka ee waddanka Itoobiya, ayaa sheegtay inay xidhay 34 qof oo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab ee ka dagaallama dalka Soomaaliya.

Sida lagu baahiyay wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA maanta, dadkan laga shakisan yahay ayaa la sheegay inay qorshaynayeen weerraro ay ka geystaan magaalada caasimadda ee Addis Ababa iyo gobollo kale oo dalkaas ka mid ah.
Wakaaladdu waxa ay intaa ku dartay in dadkaasi lagu soo xidhxidhay hawlgal ay wadajir ciidammada ammaanka uga sameeyeen gobollada Soomaalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya.
Sidoo kale, eedeysanayaasha oo sawirradooda warbaahinta lagu soo bandhigay, ayaa laga helay hoobiyayaal, rasaas iyo hub kale, iyagoo sidoo kalena watay dukumentiyo iyo lacago fara badan.