Boqollaal millateriga Itoobiya ka tirsan oo magangalyo siyaasadeed weydiistay Sudan

Khartoum   -(Berberanews)- In ka badan 500 askari oo ka mid ah ciidammada dalka Itoobiya, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda qoomiyadda Tigray oo ka tirsanaa ciidammada nabad-ilaalinta Qarammada Midoobay ee ku sugan xuduudka u dhexeeya waddamada Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, ayaa diiday inay dalkooda dib ugu laabtaan, isla markaana magangelyo siyaasadeed weydiistay dawladda Suudaan.
Ilaa sannadkii hore ciidammada Itoobiya ayaa ahaa kuwa ugu badan Hawlgalka Nabad-ilaalinta Qarammada Midoobay ee Abyei (UNISFA) ee jooga gobolka lagu muransan yahay ee xadka u dhexeeya Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.
Ciidanka Itoobiya ee ka tirsanaa Hawlgalka UNISFA oo tiradoodu gaadhaysay 4000 askari, ayaa lagu beddelay ciidammo caalami ah dhowaan, iyadoo xidhiidhka Addis Ababa iyo Khartoum uu sii xumaanayey muddooyinkan, kadib xiisad salka ku haysa muran dhuleed iyo biyo xidheenka weyn ee Itoobiya ay ka waddo webiga Nile oo labada dal u dhexeeya.
Ciidanka Itoobiyaanka ka soo jeeda qoomiyadda Tigreega ee qaybta ka ahaa Hawlgalka Qarammada Midoobay, ayaa nabadgelyo siyaasadeed ka codsaday dawladda Suudaan, waxaanay diideen inay sababo la xidhiidha ammaankooda darteed dib ugu laabtaan dalkooda, kadib dagaallo khasaare baahan oo muddo sannad ka badan u dhexeeyey xukuumadda Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed iyo xoogagga TPLF oo ka taliya Gobolka Tigray ee galbeedka dalkaas.