Maxkamadda Maroodi-jeex oo sii daysay gabadh u xidhnayd been-abuur ciidan

Hargeysa -(Berberanews)-Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa dib xorriyadeeda ugu celisay gabadh lagu magacaabo Hibo Faysal shalay, taas oo in muddo ah u xidhnayd cabasho been abuur oo ay ka muujisay askarta Dawladda Hoose ee Hargeysa oo ay sheegtay inay dib ugu iibiyeen dalaayado lagu caawiyey dadka ku caydhoobay dabkii baabi’yey Suuqa Waaheen.