Kulan Wasiirka Daakhiliga Somaliland la yeeshay Xildhibaannada Degaanka Hargeysa

Hargeysa  -(Berberanews)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed, ayaa kulan ballaadhan la yeeshay xarunta xildhibaannada Golaha Degaanka Caasimadda Hargeysa maanta.
Kulanka oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta wejiga labaad ee Suuqa Waaheen, iyada oo la bilaabayo nadiifinta suuqa iyo socodsiinta hawlaha kale ee baaxadda leh, taasoo ay ku jirto naqshadaynta Suuqa Waaheen, kaasoo loo xilsaaray Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta  Jamhuuriyadda Somaliland.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda Daakhiliga, Wasiirka ayaa xubnaha Golaha Degaanka Caasimadda uga warramay in dhibaatada ka dhacday Suuqa Waaheen ay tahay masuuliyad-wadareed wada saaraan xukuumadda, Dawladda Hoose iyo shacabka Somaliland, waxa keli ah ee lagaga bixi karaana ay tahay midnimo iyo isku duubni, iyada oo aan la is eedaynayn, cid gaar ahna aanay qaadanayn masuuliyadda.


Wasiir Kaahin ayaa xildhibaannada u sheegay in ay hawshan si dhow uga wada shaqaynayaan Dawladda Hoose, Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Golaha Degaanka ee Caasimadda Hargeysa, waxa hoggaaminayey Maayor Cabdikariim Axmed Mooge oo ay wehelinayeen Maayor-ku-xigeenka iyo Xoghayaha Fulinta ee  Dawladda Hoose.
Dhinaca kale, waxa kulankan Wasiirka kala qaybgalay Wasiir-ku-xigeenka Maamulka Gobollada iyo Dawladaha Hoose, Naasir Caydiid Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md Cabdirashiid Xirsi Cali, Agaasimaha Guud ee Amniga, Ibraahim Cali Ismaaciil, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex,  Maxamed Cilmi iyo Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Kulamo lagu dardar gelinayo nadiifiinta iyo naqshadeynta Suuqa Waaheen ayaa sii socon doona.