Dawladda Hoose Ha lala shaqeeyo!

Sidee loola shaqaynayaa?

1. Hadal iyo ammaan badan oo aan meel haysan looma baahna. Sidoo kale, dhaliil aan cilmi ku fadhiyin looma baahna. Taasi la shaqayn maaha.
2. Kadib gubashadii suuqa Waaheen, dawladda hoose waxay lumisay in badan oo ka mid ah cashuurbixiyeyaasheedii oo maanta ma awoodaan inay cashuur bixiyaan oo waataa iyagii loo qaadhaamayo, dakhliga dawladda hoose soo galaana waxa in badan uu ku tiirsanaa ganacsatadaa.
3. Haddaba, qaadhaanka la ururinayo qayb ka mid ah ha loo qoondeeyo dawladda hoose oo ha la siiyo maxaa yeelay cashuur kama urursan karto dad xoolo beelay, shaqona waa laga sugayaa. Adiguna ka qaybqaado qaadhankaa.
4. Ha la xisaabiyo qiyaasta cashuurta dawladda hoose ka heli lahayd ganacsatada sannadkan ee ay wayday, kadibna qayb qaadhaanka la soo ururinayo ah ha loogu deeqo.
5. Sidaa kula shaqee dawladda hoose. Ha noqon cidlo’ ka ammaan, qaadhaanka bixi, cashuurta bixi, ugu yaraanna dhibkaaga ka hayso.
6. Ogow! Dawladda hoose ma aha Duqa magaalada oo keliya, duquna keligii ma aha dawladdii hoose oo dhan, sidaa darteed ha u kala abtirin.
Docda Samaha.

By. Xasan Cabdi Madar