USA: Falastiini $30,000 doollar ugu deeqay dib u dhiska suuqa Waaheen

Minnesota-(Berberanews)-USA – Ganacsade Palestininan-American ah oo lagu magacaabo Bassim Sabri, ayaa lacag dhan 30,000 dollar ugu deeqay taakuleynta suuqa Waaheen ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa oo ku burburay dab weyn oo sidoo kalena kumannaan ganacsato ah ku hanti beeleen dhowaan.

Ganacsade Sabri oo ah Falastiini ku nool dalka Maraykanka, ayaa guddiga gurmadka Suuqa Waaheen ee magaaalada Minneapolis, Gobolka Minnesota ee dalkaas guddoonsiiyey jeegga lacagta uu ugu tabarucay dadka ku hanti beelay masiibadaas, waxaanay guddiga uga mahadceliyeen taageeradiisa.

Ganacsadahan oo ah milkiilaha suuqa weyn ee Soomaalida Minneapolis oo la yidhaa Karmel Mall, ayaa sheegay toddobaadkii hore inuu gacan weyn ka geysanayo dib u dhiska suuqa Waaheen iyo kaalmeynta gacansatada ku khasaartay dabkaas.

Soomaalida Minenapilis ayaa dhinca kale maalihii la soo dhaafay waday olole ay ugu qeyb qaadanayan gurmadka Waaheen, iyaga oo ku rajo weyn in taageero muuqata ay ku yeeshaan gurmadka dib u dhiska suuqan oo ahaa midka ugu weyn suuqyada ganacsiga ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.