Ururka Jaamacadda Carabta oo Digniin culus u diray Dowladda Israel

Cammaan-(Berberanews)-Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqay Israa’iil in ay joojiyaan salaadda Yahuudda ee gudaha Masjidka Al-Aqsa ee ku yaalla bariga Quddus ee la haysto, waxayna ka digeen in falalka noocaasi ah ay meel ka dhac ku yihiin dareenka Muslimiinta, ayna dhalin karaan isku dhac ballaadhan.

Ururka ayaa khamiistii jabiyay aamusnaantiisa dhacdooyinkii rabshadaha watay ee dhawaan ka dhacay Al-Aqsa, isaga oo sheegay in Israa’iil ay xaddidday Muslimiinta xuquuqdooda cibaadada ee magaalada qadiimiga ah ee Jerusalem, iyada oo sidoo kale u ogolaatay Yuhuuda xagjirka ah in ay galaan goobta xurmada leh iyaga oo au ilaalinayaan booliiska.

“Dalabyadayadu waa cad yihiin in Al-Aqsa iyo Xaram al-Shariif ee dhammaan aagga ay ku nool yihiin ay tahay meel ay ku cibaadaystaan ​​muslimiinta,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda ee Urdun Ayman Safadi oo la hadlay warbaahinta kaddib shir deg-deg ah oo ay ururka ku yeesheen magaalada Cammaan.

Kulanka ayaa loogu yeedhay in looga hadlo waxa ururku uu ku tilmaamay “siyaasadaha iyo tillaabooyinka aan sharciga ahayn ee Israel” ee Jerusalem.

Madaxa Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit ayaa sheegay in Israa’iil ay jabinayso siyaasad qarniyo soo jirtay, taasoo uu sheegay in dadka aan Muslimiinta ahayn ay booqan karaan xarunta Al-Aqsa, balse ay tahay in aanay ku tukan.

Booliiska Israa’iil ee ka careysan rabshadaha ayaa todobaadkii hore xoog ku galay dhismaha masjidka Al-Aqsa halkaas oo ugu yaraan 158 falastiiniyiin ah lagu dhaawacay boqolaalna la xidhay.

Safadi, oo toddobaadkan la hadlay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken, ayaa Arbacadii la kulmay saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka oo socdaal ku marayay gobolka si ay ugala hadlaan yaraynta xiisadaha ka taagan goobta barakeysan.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegay inuu helay dammaanad ah in Israa’iil ay joojinayso dadka Yuhuuda ah ee cibaadaysanaya inay galaan Al-Aqsa.

Berberanews.com