Urdun: Cawaaqib xumada ka dhalan karta godad-biyoodka Badda Dhimatay

Urdun-(Berberanews)-Iyadoo dunidu ay maanta oo Jimce ah laga xusayo maalinta dhulka ee sanadka 2022, beeralayda koonfurta Urdun waxa ay la kulmayaan cawaaqib xumada ka dhalan karta isbedelka cimilada.

Biyo-yarida sii kordheysa iyo muuqaalka godad-biyoodyada aagga u dhow Badda Dhimatay ayaa kordhaya sannad kasta.

Iyadoo ay dadweynuhu sii kordhaan qaxoontiga joogtada ah ee ka imaanaya dalalka deriska ah, waxaa sidoo kale sii kordhaya baahida biyaha iyo wax soo saarka beeraha.

Badda Dhimatay waxay hoos u dhacdaa qiyaastii hal mitir sanad walba, taasoo dhibaato weyn ku ah qaybta beeraha ee Urdun.

Sida laga soo xigtay tirokoobyada Qaramada Midoobay, Urdun waa dalka labaad ee ugu badan ee biyo la’aanta ah.

Sababo la xidhiidha korodhka dadka, caqabadaha warshadaha iyo beeraha, iyo isbeddelka cimilada, waddanku waxa uu wajahayaa cawaaqib xumo maadaama baahida biyaha ay kor u kacday.

Badda Dhimatay, oo ah haro milix ah, waxay ku taallaa inta u dhaxaysa Urdun, dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto iyo Israa’iil.
Waxay hoos u dhacday ilaa 20 mitir labaatankii sano ee la soo dhaafay, cilmi-baadhayaashu waxay sheegern in hoos u dhaca heerka biyaha iyo biyaha dhulka hoostiisa ku jira ayaa sababay in godad-biyoodyada ay bataan.

Kulaylka bisha April ayaa dul heehaabaya Ghor Haditha, oo ah aag ku taal koonfurta Urdun oo ku xigta badda dhimatey, oo qiyaastii 100km (60 mayl) koonfur ka xigta caasimadda, Amman.

Beer ku taal meel dhowr boqol oo mitir u jirta badda, ayaa godadku waxa ay si weyn u saameeyeen wax soo saarka beeraha, maadaama qaybo badan oo carro ah ay meesha ka baxday.

Aamina al-Huaima, oo ah maareeyaha beeralayda ee Ghor Haditha, waxa ay ka shaqaynaysay dhulkan muddo labaatan sano ah.

“Saacadaha waa dheer yihiin, wax badanna nalama siiyo. Waa shaqo adag, gaar ahaan maadaama khatarta dhulka la waayayo ay sare u sii kacayso,” al-Huaima ayaa u sheegtay Al Jazeera.

‘Dhulkayagii waa baaba’ay’

Toban shaqaale ah ayaa goosta qaybihii ugu dambeeyay ee yaanyada ka hor inta uusan xilligu dhammaan bisha Maajo.
Samir Muhammad al-Habashna, oo ah beeraleyda aagga, ayaa tilmaamaya dhanka buuraha Ghor Haditha ee ka dambeeya beerta.

Meeshan dad badan baa ku noolaa  markii hore, laakiin hadda isbeddelka cimilada awgeed, dad badan ayaa ka guuray.

“Beerahayagu waa hore way weynaayeen, waxaanu haysanaa shaqaale yar, maadaama baahidu sii yaraatay. Sidii hore ma aha sida dhulku dhab ahaan uga lumay beeraha,” al-Habashna ayaa tidhi.

Heerarka biyaha hoose ee Badda Dhimatay ayaa nolosha dadka halkan u beddelay mid xun sababtoo ah beerahan iyo kuwa ka shaqeeyaa waxay ku tiirsan yihiin harada milixda.

Al-Xabashna, oo ka shaqaynaysay deegaanka ilaa bilowgii sagaashamaadkii, ayaa ka niyad jabsan gargaar la’aanta beeralayda.

“Dhulkeenii waa uu burburay. Waxaan isku daynay inaan raadino xal laakiin ma aanan helin. Qofna nama caawin… xitaa wasaaradda deegaanku nama caawin,” ayay tidhi.