Farmaajo: “Doorashooyinka ka dhacay Ceelwaaq iyo Garbahaarey waa sharci-darro”

Muqdisho  -(Berberanews)-Madaxweynaha godoonka siyaasadeed ku jra ee Soomaaliya Mr Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa sharci-darro ku tilmaamay doorashooyin isbarbar socda oo ka dhacay magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaaray maanta, laguna dooranayo 16 xildhibaan oo goob-doorashoodu tahay Gobolka Gedo oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.

Qoraal uu Farmaajo soo saaray galabta, waxa kale oo uu ku sheegay in aanay isaga taageerayaashiisu toona ka qaybgeli doonin doorashooyinka shirguddoonnada labada gole baarlamaan ee cusub iyo ta Madaxweynaha Soomaaliya.
Doorashada Ceelwaaq oo maanta bilaabantay, waxa hore u go’aamiyey Guddida Doorashada Federaalka, 14-kii April, iyaga oo sheegay in aan Garbahaarey doorasho lagu qabin karin sababo amni dartood, waxana go’aankaas soo dhoweeyey ra’iisal-wasaare Rooble iyo Madaxweynaha maamul-goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe.

Hase yeeshee, isla maalintaas ayaa xubno dhowr ah oo ka tirsan guddigu sheegeen inay ka soo horjeedaan go’aanka, iyagoo maalmihii xigayna bilaabay isku day ay doorasho kale kaga qabanayaan Garbahaarey.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Farmaajo galabta ayaa lagu yidhi; “Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in doorashooyinka isbarbar socda ee Garbahaaray iyo Ceelwaaq ay yihiin kuwa sharci-darro ah oo baalmarsan Sharciga Jihaynta Doorashooyinka Dadban ee ay ansixiyeen Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. “
Madaxweyne Farmajo ayaa qoraalkiisa oo lagu socodsiiyey Madasha Wadatashiga Qaran iyo Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Golaha Shacabka uu ku faray in la xushmeeyo heshiiskii 17-kii September 2020 iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee ay xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran kala saxeexeen 1-dii October 2020 iyo 27-kii May 2021.

“Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisyada doorashooyinka iyo Xeerka Lam 30 ma yeelan karo xuquuq la mid ah xildhibaannada lagu soo doortay hab waafaqsan heshiiskii 17-ka September 2020,” ayuu yidhi Farmaajo.

“Sidaa darteed, kama qaybqaadan karo doorashooyinka Guddoonka iyo tan Madaxweynaha iyadoo aan la helin heshiis ay wadar-oggol u gaadheen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan heshiiskii 17-ka September ama aannu soo saarin Barlamaanka 11-aad sharci wax ka beddelaya xeerkii baarlamanka labadiisa aqal ay hore u ansixiyeen.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in wax-ka-beddelka Heshiiskii 17-kii Sebteembar iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed oo ay dib uga wada xaajoodaan xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran, wuxuuna ugu baaqay inay degdeg isugu yimaaddaan si xal dhammeystiran loogu helo kuraasta 16-ka ah ee ku astaysan Garbahaaray, laakiin loo wareejiyey magaalada Ceelwaaq.