Xukuumadda Somaliland oo oodda ka qaadday 60 qof oo  ku xidhnaa Gobolka Awdal

Boorama  -(Berberanews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dib xorriyadoodii ugu celisay ku dhowaad lixdan qof oo laga soo xidhay degaanka Ruqi ee Gobolka Awdal dhowaan.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo laga soo doortay Gobolka Awdal, ayaa qoraal uu ku baahiyey degaladiisa baraha bulshada oo uu kaga hadlay sii daynta dadkaas waxa uu ku yidhi; “Aad baan ugu faraxsanahay in 58 ka mid ah dadkii Ruqi laga soo xidhay ay xorriyadooda dib u heleen saaka.”
Dadka xabsiga laga sii daayey, ayaa loo xidhxidhay shaqaaqo ka dhacday goob macdanta laga qodo oo ku taalla degaanka Ruqi ee Gobolka Awdal, kuwaas oo xabsiga ku jiray muddo toddobaad ka badan.