Safiirka Somaliland ee Uganda oo soo dhaweeyay Sheekh Maxamed Cali Gadhle

Uganda-(Berberanews)-Safiirka Somaliland U fadhiya dalka Uganda Ambassador Diplomat-Hamse Haji Dool ayaa maanta ku soo dhaweeyay Dalka Uganda Sheekh Maxamed Cali Gadhle.

Safarka Sheekhu wuxuu daaran yahay ka qayb qaadashada iyo abaabulka loogu jiro sidii walaalaha Ganacsada, Culimada, wax garadka iyo Guud ahaan Jaaliyada kala duwan ee ku nool Dalka Uganda ay u caawin lahaayeen uguna gurman lahaayeen dadkii ku hanti beelay masiibadii ka dhacday Suuqihii waynaa ee Waaheen.

Sheekh Mohamed Wuxuu ka mid yahay Gudida Ganacsadada iyo Culimada ee  Gurmadka Suuqa Waaheen.

Safiir Hamse Waa Safiir Firfircoon oo Hawlkar ah. Safiir Halkaa ka sii Wad Shaqada Wacan ee Dadkaaga iyo Dalkaaga U hayso.