Qodobbo laga soo saaray kulan ay isugu yimaaddeen ruug-caddaaga Saxaafadda Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)-Kulan afureed ay ku dhawaad labaatameeyo rugcaddaa saxaafadeed ah isugu yimaaddeen magaalada Hargeysa, ayaa la  isaga xaal waraystay xaaladda warbaahinta Somaliland ee waqtigan, lagana soo saaray qodobadan hoos ku qoran:-

* In si degdeg ah xorriyadooda loogu soo celiyo 4 suxufi oo laga reebay weriyayaasha loo xidhay dhacdadii Jeelka Hargeysa.

* In la abuuro Komishanka Madaxbannaan ee Warbaahinta Somaliland (Somaliland Independent Media Commission).

* In la abuuro Guddida Ka-garnaqidda Cabashooyinka Warbaahinta (Somaliland Media Complaints Committee).

* In la aasaaso Machadka Saxaafadda.

* iyo in wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyo Xeerka Saxaafadda Somaliland ee la saxeexay 2004kii, isla markaana ay ansixiyeen golayaasha qaranka Somaliland.