Muwaaddin si weyn u ammaanay ciidammad Somaliland oo gacan ku dhigay ciidamo dhib u geystay

Marka hore waxaan u mahad celinayaa, aadna  u ammaanayaa dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo ciidammada kale duwan shaqada ay u hayaan bulshada iyo heerka amni ee ay gaadhsiisan yihiin ee cilmiga iyo naxariista ku dhisan.

Waxa kale oo aan bogaadinyaa Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Habeen hore markii aan salaadda taraawiixda ka soo baxay ayey koox dhallinyaro ah gaadhigayga baabuur kale ku dhufteen. Markii aannu wada hadlaynay waxaan u sheegay in la sugo Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka iyo shirkadda uu gaadhigu ka caymisan yahay ee Takaful Africa, si khasaaraha loo caddeeyo, laakiin waa ay dideen, waxayna damceen inay xoog ku dhaqaaqaan, maadaama ay yihiin ciidammo gaar ah. Markii ay isku dayeen inay baxsadaan ayaan sawirro ka qaaday gaadhigii. Isla markiiba dagaal ayey igu soo qaadeen kooxdaasi, dhaawacyo fudud ayeyna i gaadhsiyeen, waanay baxsadeen.
Ciidammada Nabadgelyada Waddooyinka ayaan gaadhsiiyey arrinta markiiba, gacanta ayaana lagu dhigay, khaladkiina iyaga ayey saareen, gaadhigiina way ka xareeyeen, khasaarihii kalena waxay u gudbiyeen ciidamamda ammaanka. Waxaan u mahadnaqayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Jeneraal Dabagale, Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Gaashaanle sare Maxamed Saleebaan Xasan (Sablaale), Taliyaha Qaybta Booliska Galbeedka Hargeisa, Cismaan Xaashi iyo Taliyaha Sirdoonka ee Gobolka Maroodi-jeex, Cabdillaahi Gaagaale oo ka garnaqay khaladka igu dhacay. Sabtida waxa xukun  ku ridi doonta Maxkamadda Ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland.
Dalka nidaam iyo caddaalad ayaa ka jirta, inta dhiman Ilaahay ayuun baa dhane  Ilaahay ha inoo kabo.

Waxa qoray Xamse Maal, Hargeysa, Somaliland

Wakiilka Somaliland U Fadhiya Dalka Uganda Hamse Haji Dool ayaa Dalka Uganda ku soo Dhaweeyey Sheekh Maxamed Cali Gadhle.

Safarka Sheekhu wuxuu daaran yahay ka qayb qaadashada iyo abaabulka loogu jiro sidii Ganacsada, Culimada, wax garadka iyo Guud ahaan Jaaliyada kala duwan ee ku nool Dalka Uganda ay u Caawin lahaayeen uguna Gurman lahaayeen Dadkii ku hanti beelay Masiibadii Dabka ahayd Ee ka dhacday Hargaysa Gaar ahaan Suuqii waynaa ee Waaheen.

Sheekh Mohamed Wuxuu ka mid yahay Gudida Ganacsadada iyo Culimada ee  Gurmadka Suuqa Waaheen.

Ku Dhaqanka Sharcigu waa Guul, dayacaadiisuna waa Hoog iyo Halaag

Faalo: Xuseen Cali Nuur
Jamhuuriyadda Somaliland waxay sannadkan muujisay inay tahay qaran ku dhaqan sharciga, danaha guud ee dalkeeda iyo shacbigeedana u mideysan. waxa kaloo ay muujisay midnimo iyo wada shaqeyn buuxda oo Xukuumad, asxaab siyaasadeed, ururro bulsho iyo shacbi ay wadajir ku waajaheen duruufaha adag ee dabiiciga ah ee la soo dersay.
Waxa tusaale inoogu filan  qaabka ay u waajaheen waxna wadajir uga qabteen abaarta baahsan ee baad iyo biyo gaadhsiin u baahnayd.
Gurmadka abaarta, waxay dunidu maanta noo qiraysaa, in kaalmada shisheeye ee naloo fidiyey ay ahayd mid aad u yar. hase ahaatee ILAAHAY oo la kaashaday iyo isku damqashada walaaltinimo ayey noogu suurtogaleen, in dalal badan oo naga dhaqaale badan waxay qabsan la’yihiin ay inoo suurtogalaan.
Xaaladda dadkeenna ay abaartu ku habsatay weli kamay soo kaban, waxaanay inooga baahan yihiin in la sii wado kaalmada iyo gacan qabashada aan u fideynayno.
Masiibada ku dhacday Suuqa Waaheen dhaawac weyn ayuu u geysatay dhaqaalaheenna. tallaabooyinkii ugu horreeyey ee Jamhuuriyadda Somaliland qaaday waxay dunida u muujisay, sidii shacbi iyo Xukuumadba loo mideysan yahay sidii looga soo kaban lahaa.
Tallaabooyinkani waxa lagu xusi doonaa taariikhda dalka, waxana diirada la saari doonaa sida fadhi qudha loogu tabarucay 8 Milyan oo Doolar. isla mar ahaantaana iyadoo Somaliland aan la aqoonsanayn  40 dal soo tacsiyadeeyeen. waxana intaas raaca in kun ku dhawaad ganacsatadii hantidoodu yareyd la siiyey lacag ku dhow laba Milyan oo Doolar si ay nolol maalmeedkoodii u sii wataan.
Midowga Yurub, dalalka Jasiirada Carabta, Maraykanka, Taiwan, Qatar iyo Hay’adaha kala duwan ee Qaramada midoobay oo aan u kala hadhin ayaa u soo diray dalka si ay u hubiyaan khasaaraha suuqa Waaheen.
Arrimahani waa guullo inoo soo hoyday waxana saldhig u ah ku dhaqanka sharciga, ilaalinta danta guud, midnimada iyo isku-tashigeenna. ILAAH baana mahad leh.
dayacaada sharciga iyo danta guud waxa ka dhasha khilaaf u horseeda hoog iyo halaag, waxana tusaale ahaan inoogu filan xaaladda Soomaaliya ee maanta. kuwaasi oo ah”
Qaramada Midoobay oo sheegaysa in 350 kun oo carruur ahi  qarka u saaran yihiin inay macaluul iyo darxumo u dhintaan.

6 Milyan oo qof inay biyo la’aani hayso, wax gurmad ahna aanay haysan. Xukuumadda  Muqdisho oo laba bilood ka hor ku dhawaaqday Guddi abaareed, oo ku mashquulsan loolan iyo khilaaf siyaasadeed.

Dawladda Hoose ee Muqdisho oo qiraysa in aanay waxbaba u hayn ay dadka wax ugu qabato, iyadoo caalamku balaayiin doolar ku bixiyo Soomaaliya. Qiimaha Booyada Biyaha ah oo tuulooyinka fog haddii ay helaan ugu joogto 100 ilaa 400 oo doolar.
Waxaan leeyahay Xaaladda Soomaaliya waxa u sabab ah khilaaf siyaasadeed, danaysi gaar ahaaneed ama kooxeed oo maalinba midab cusub yeelanaya. arrimahaasi oo natiijadoodu noqotay in aan dadka loo danayn, shacbiga dalkaasina hoog, silic, rafaad joogto ah ayey ku jiraan “OGAADA DHAWRITAANKA SHARCI iyo KU DHAQANKIISU WAA UDUB DHEXAADKA MIDNIMADEENA IYO WAX WADA QABSIGEENA EE YAAN LA ILLOOBIN”