Marwo Faadumo Siciid oo warbixin ka siisay Baarlamaanka UK masiibadii Suuqa Hargeysa

London  -(Berberanews)-La-taliyaha Xidhiidhka Caalamiga ah ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland marwo Faadumo Siciid,  ayaa hadal qiiro badan leh oo ku saabsan masiibada dabka baabi’iyey suuqii ganacsiga Waaheen ka jeedisay kulan ka dhacay xarunta Baarlamaanka Britain ee magaalada London, Salaasadii toddobaadkan.
Kulanka oo ujeeddadiisu ahayd sidii dhaqaale loogu heli lahaa ka soo kabashada dhibaatada ka dhacday Suuqa ganacsiga ugu weynaa Somaliland ee Waheen oo gubtay 1 April 2022, isla markaana shufbeelay.
Marwo Faadumo Siciid ayaa kulanka jeedisay warbixin la xidhiidha baaxadda dhibaatada dhaqaale ee kasoo gaadhay Somaliland gubashada suuqaas iyo sida dadka ku waayey dhaqaalahoodu u heli lahaayeen taageero.

Waxa ay ka warrantay ahmiyadda dhaqaale iyo ganacsi ee uu Somaliland u lahaa suuqa Waaheen, iyadoo xusatay in shacbiga Somaliland gubashada suuqa Waaheen xusuusisay duqayntii diyaaraddaha iyo burubrkii talsikii millateriga ee Maxamed Siyaad Barre u geysteen 1988 oo ay ku waayeen shacbiga naf iyo maalba, balse ay dalkooda dib u dhisteen oo ay noloshooda ka soo bilaabeen meel madhan oo burburtay.
Sidoo kale, waxay Marwo Faadumo Siciid ka hadashay qaabka loo xakayn kari waayey dabka oo noqday mid ka awood badan awoodda Dabdamiska Somaliland, maadamaa aanay haysan qalab iyo gaadiid ku filan oo ay ku xakamyn karaan dabka sidaas oo kale ah iyo wixii bulshadu awoodaysay.
Marwo Faadumo Siciid, waxay tusaale u soo qaadatay haweenkii doonayay in ay jirikaamo biyo ah ku baqtiiyaan iyo baaxadda uu lahaa oo sababtay khasaaraha weyn, iyadoo xusatay in boqollaal haween ah ay ka mid ahaayeen dadka suuqa ganacsiyada yar yar ku haystay, marka laga yimaad ganacsiyadii waaweynaa, kuwaas oo aan maanta haysan dhaqaale iyo waxay noloshooda ku debberaan.
“Ma cabbiri karo wixii dhacay. Waxay ahayd masiibo weyn, waad dareemi kartaa suuqa weyn ee Lodnon haddii uu shufbeelo sidee ayey xaaladdu noqonaysaa? Runtii waa arrin murugo ah, sababtoo ah Suuqa Waaheen wuxuu ahaa suuqa ugu weyn Somaliland oo halbawle u ahaa dhaqaalaha dalka,” ayey tidhi Marwo Faadumo Siciid.

Waxa ay ku celcelisay in dhibaatada ka dhacday Waaheen ay u baahan tahay gurmad weyn si loo badbaadiyo nolosha kumannaan qoys oo ku waayey hantidooda, kuwaas oo aan maanta waxba haysan.
Waxa kale oo ay ku dheerataay taariikhda xidhiidhka soo jireenka ah ee Somaliland iyo Ingiriiska, iyadoo tusaale u soo qaadatay sida ay dadka Somaliland isu garab taageen Britain dagaalkii weynaa ee adduunka oo sida ay sheegtay aabbaheed Siciid uu ka mid ah dadkii naftooda u huray sidii loo difaaci lahaa Britain ee ka barbar dagaallamayey Dagaalkii Koowaad ee Adduunka. Sidaa awgeed, waxay tilmaantay in maanta Somaliland masiibada uu sababay dabka suuqa Waaheen ay tahay mid xannuun baddan oo shacbiga Somaliland ka sugayaan dawladda Britain sidii ay door weyn uga qaadan lahayd.
Kulanka xarunta Baarlamaanka Ingiriiska ee London ka qabsoomay Salaasadii, waxa ka qaybgalay, xildhaanno ka tirsan Baarlamaanka UK, kuwaas oo ay ka mid yihiin; xildhibaan Sir Gavin Williams, xildhibaan Stephen Doughty, xildhibaan Kerry iyo Safiirka Somaliland u jooga UK, Ambassador Abdi Abdullahi.

Sidoo kale, waxa kulankaas ka qaybgalay qaar ka mid ah bulshada Somaliland ee ku dhaqan Ingiriiska iyo shaqsiyaad kale oo muhiim ah, waxana lagu faaqiday dhibaatada ka dhalatay suuqaa Waaheen iyo sidii looga soo kaban lahaa.