Ku Dhaqanka Sharcigu waa Guul, dayacaadiisuna waa Hoog iyo Halaag

Faalo: Xuseen Cali Nuur
Jamhuuriyadda Somaliland waxay sannadkan muujisay inay tahay qaran ku dhaqan sharciga, danaha guud ee dalkeeda iyo shacbigeedana u mideysan. waxa kaloo ay muujisay midnimo iyo wada shaqeyn buuxda oo Xukuumad, asxaab siyaasadeed, ururro bulsho iyo shacbi ay wadajir ku waajaheen duruufaha adag ee dabiiciga ah ee la soo dersay.
Waxa tusaale inoogu filan  qaabka ay u waajaheen waxna wadajir uga qabteen abaarta baahsan ee baad iyo biyo gaadhsiin u baahnayd.
Gurmadka abaarta, waxay dunidu maanta noo qiraysaa, in kaalmada shisheeye ee naloo fidiyey ay ahayd mid aad u yar. hase ahaatee ILAAHAY oo la kaashaday iyo isku damqashada walaaltinimo ayey noogu suurtogaleen, in dalal badan oo naga dhaqaale badan waxay qabsan la’yihiin ay inoo suurtogalaan.
Xaaladda dadkeenna ay abaartu ku habsatay weli kamay soo kaban, waxaanay inooga baahan yihiin in la sii wado kaalmada iyo gacan qabashada aan u fideynayno.
Masiibada ku dhacday Suuqa Waaheen dhaawac weyn ayuu u geysatay dhaqaalaheenna. tallaabooyinkii ugu horreeyey ee Jamhuuriyadda Somaliland qaaday waxay dunida u muujisay, sidii shacbi iyo Xukuumadba loo mideysan yahay sidii looga soo kaban lahaa.
Tallaabooyinkani waxa lagu xusi doonaa taariikhda dalka, waxana diirada la saari doonaa sida fadhi qudha loogu tabarucay 8 Milyan oo Doolar. isla mar ahaantaana iyadoo Somaliland aan la aqoonsanayn  40 dal soo tacsiyadeeyeen. waxana intaas raaca in kun ku dhawaad ganacsatadii hantidoodu yareyd la siiyey lacag ku dhow laba Milyan oo Doolar si ay nolol maalmeedkoodii u sii wataan.
Midowga Yurub, dalalka Jasiirada Carabta, Maraykanka, Taiwan, Qatar iyo Hay’adaha kala duwan ee Qaramada midoobay oo aan u kala hadhin ayaa u soo diray dalka si ay u hubiyaan khasaaraha suuqa Waaheen.
Arrimahani waa guullo inoo soo hoyday waxana saldhig u ah ku dhaqanka sharciga, ilaalinta danta guud, midnimada iyo isku-tashigeenna. ILAAH baana mahad leh.
dayacaada sharciga iyo danta guud waxa ka dhasha khilaaf u horseeda hoog iyo halaag, waxana tusaale ahaan inoogu filan xaaladda Soomaaliya ee maanta. kuwaasi oo ah”
Qaramada Midoobay oo sheegaysa in 350 kun oo carruur ahi  qarka u saaran yihiin inay macaluul iyo darxumo u dhintaan.

6 Milyan oo qof inay biyo la’aani hayso, wax gurmad ahna aanay haysan. Xukuumadda  Muqdisho oo laba bilood ka hor ku dhawaaqday Guddi abaareed, oo ku mashquulsan loolan iyo khilaaf siyaasadeed.

Dawladda Hoose ee Muqdisho oo qiraysa in aanay waxbaba u hayn ay dadka wax ugu qabato, iyadoo caalamku balaayiin doolar ku bixiyo Soomaaliya. Qiimaha Booyada Biyaha ah oo tuulooyinka fog haddii ay helaan ugu joogto 100 ilaa 400 oo doolar.
Waxaan leeyahay Xaaladda Soomaaliya waxa u sabab ah khilaaf siyaasadeed, danaysi gaar ahaaneed ama kooxeed oo maalinba midab cusub yeelanaya. arrimahaasi oo natiijadoodu noqotay in aan dadka loo danayn, shacbiga dalkaasina hoog, silic, rafaad joogto ah ayey ku jiraan “OGAADA DHAWRITAANKA SHARCI iyo KU DHAQANKIISU WAA UDUB DHEXAADKA MIDNIMADEENA IYO WAX WADA QABSIGEENA EE YAAN LA ILLOOBIN”