“Golaha Deegaanka Hargeysa waxa faragalin wayn Ku haya labada Xisbi Mucaarid” Xildhibaan Siciid Jamac

Hargeysa-(Berberanews)-Xildhibaan Sa’eed Ali Jama Oo Ka Tirsan Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, ayaa labada xisbi Mucaarid ee Waddani iyo UCID ku eedeeyay farogelin ay ku hayaan Golaha Deegaanka.

Xildhibaanku waxa uu ugu baaqay guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridku inay faraha kala baxaan dhaqada Golaha Deegaanka.

Xildhibaan Siciid Jaamac oo arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi sidan;’

“Golaha Deegaanka Hargeysa Waxa faragalin wayn Oo Aan La qiyaasi Karin Ku Haya Labada Xisbi Mucaarid Ee Waddani Iyo UCID, Saraakiil Ka Tirsan Labadaa Xisbi Mucaarid Ayaa 24hrs Ka Shaqaynnaaya Isku-dhufashadda Golaha Deegaanka.

Markaa Waxaan Saddexda Oday Ee Haysta Ka Codsannayaa:

Musharaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro,Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Hersi Ali H. Hassan Iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Faysal Ali Waraabe Sxbayaal Golaha Deegaanka Ee Caasimadda Hargeysa Wax Khillaaf Kama Dhexeeyee Kaddaaya Tushuushka Oo Ka Qabta Saraakiisha Xisbiyadiina Ee Tushuush La Dhex-meeraysannaaya Golaha Deegaanka Hargeysa Iyo Guud Ahaan Dawladda Ee Hargeysa.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Abdikarin ahmed mooge Wuu Shaqaynnayaa Sidii Ilaahay Ku Ogaa Buu U Shaqaynnayaa, Maalintuu Ka Baydho Sidaa Wannaagsan Ee Uu U Shaqaynnaayo Annagaa Beddelaynna Oo Markii Horena Doorannay”

Berberanews.com
Info@berberanews.com