Gaalkacyo: Weerar dhimasho sababay oo lagu qaaday guri uu ku sugnaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia

Gaalkacayo-(Berberanews)-Hal askari ayaa ku dhintay, saddex kale oo uu ku jiro Taliye-ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Mudug ee maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, Cabdisiciid Xuseen Jaamac weerar ka dhacay magaalada Gaalkacyo caawa.
Ciidammada booliska maamulka Puntland, ayaa weerar ku qaaday guri ay ku sugnayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mr Cabdisaciid Muuse iyo nabaddoonno reer Gaalkacayo ah abbaaro 9:00 fiidnimo ee caawa.
Warku waxa uu intaas ku daray inuu weerarkaas ku dhaawacmay nabaddoon Yaasiin Cabdisamad oo ka mid ahaa odayaal iyo siyaasiyiin uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo shir ku lahaa guriga boolisku weerareen.
Weerarkan ayaa yimi kadib kulan maanta ka dhacay Gaalkacyo, kaas oo laamaha amniga iyo maamulka Gobolka Mudug ku go’aamiyeen in aan lagu qaban karin magaaladaas kulamo siyaasadeed oo lagaga soo horjeedo hoggaanka Puntland.
Ma cadda waxa uu ku saabsanaa kulanka ka dhacay guriga la weeraray iyo sababta ciidammada ammaanka maamul-goboleedka Puntland weerarka ugu qaadeen.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ee maamulka Puntland oo ay VOA-du la xidhiidhay ayaa ka gaabsaday inay ka warbixiyaan weerarka lagu qaaday guriga uu ku sugnaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee magaalada Gaalkacyo caawa.