Xogta: Kulan xasaasi ah oo xildhibaannada Baarlamaanka ee Habar-jeclo iyo Habar-awal ku dhexmaray Hargeysa

Hargeysa -(Berberanews)-Kulan-siyaasadeed xasaasi ah, ayaa xildhibaannada Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee ka soo kala jeeda beelaha Habar-jeclo iyo Habar-awal ku dhexmaray caasimadda Hargeysa xalay.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulankan, hase yeeshee sida warar xogogaal ah sheegeen kulankaas ay martiqaadkiisa lahaayeen Xildhibaannada Bariga Burco, gaar ahaan kuwa la dhacsan siyaasadda siyaasiga Maxamuud Xaashi, ayaa labada dhinac kaga wada hadleen qodobbo u badan siyaasadda, gaar ahaan arrimaha ka soo kordhay Xisbiga talada haya ee KULMIYE.
Mudaneyaashan, waxa ay isla soo qaadeen sidii looga wada shaqayn lahaa mustqabalka Xisbiga Kulmiye, xilli dhawaan Madaxweynaha laga soo xigtay inuu diyaar u yahay wareejinta Hoggaanka Xisbiga Kulmiye.
Qodobka ugu muhiinsan ee lagaga hadlay kulankan ee Xildhibaannada Bariga Burco u soo bandhigeen, una sheegeen dhigooda Mudaneyaasha Galbeedka Hargeysa in haddii Madaxweynuhu ka laba labeeyo qorshaha uu doonayo inuu ku wareejiyo Xisbiga Kulmiye, isla markaana Xubnaha Goleyaasha ee ka soo jeeda Bariga Burco uu ku soo wareejin waayo, in ay go’aan adag ka qaadan doonaan gebi ahaanba Xisbiga Kulmiye.
Kulankan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey ka dib markii uu dhawaan Madaxweynuhu ka dhawaajiyey inuu diyaar u yahay wareejiyo Guddoomiyenimada Xisbiga Kulmiye, balse Maxamuud Xaashi oo ah Siyaasi ka mid ah kuwa quudaraynaya in lagu wareejiyo Guddoomiyenimada Kulmiye uu ka shakiyey in Madaxweynaha mowqifkiisii wax ka beddeleen, isla markaana ay ku yimaadeen cadaadisyo kaga yimid dhinaca Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed.