Maxkamadda Sare ee Soomaaliya diidday dawcaddii Fahad Yaasiin

Muqdisho -(Berberanews)-Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, ayaa sheegay in Maxkamaddu diidday qaadista dacwadda uu Fahad Yaasiin ka gudbiyey Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal oo ku saabsanayd doorashada kursiga HOP086.
Maxkammadda Sare waxay aqbashay hor-is-taagga xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda oo matalaya Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ee ah in aanay Maxkamadda Sare awood u lahayn ka-garnaqidda cabashooyinka la xidhiidha doorashada dadban ee Baarlamaanka 11-aad.
Go’aanka waxa saxeexay saddex garsoore oo dacwaddan dhegaystay kuwaas oo kale ah: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed, iyo garsoore Cabdulcasiis Maxamed Yuusuf iyo Garsoore Saalax Sh. Ibraahim Dhiblaawe.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo hadda ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo, horena u soo noqday Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka ayaa kursigaas loogu doortay 20-kii bishii February ee sannadkan magaalada Beledweyne, waxa se doorashadiisa ku gacan-saydhay guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal oo sheegay in aan la marin habraacyadii doorashada u dhigan, taasina waxay abuurtay jahawareer iyo khilaaf cusub, waxana markii dambe uu Fahad Yaasin dacwad u gudbiyey Maxkamadda Sare.