Hargeysa -(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabiley safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Kate Foster oo safar shaqo ku timi Somaliland maanta.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, waxa kulankaas lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid yihiin sidii dawladda Ingiriisku guud ahaan Somaliland uga taageeri lahayd masiibadii gubashada Suuqa Waaheen iyo sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen taakulaynta abaaraha dalka ka jira.
Sidoo kale, waxa laga wada-hadlay xoojinta xidhiidhka labada dal iyo guud ahaan adkaynta amniga gobolka oo ay Somaliland mar walba ka ciyaarto doorkeeda ugu habboon iyo dardar-gelinta hawlaha doorashooyinka Somaliland ku soo foolka leh.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilandna waxa uu dhankiisa uga mahadnaqay dawladda UK farriimihii tiraanyada gubashadii suuqa Waaheen ee Ra’iisal-wasaaraha, Wasiirka Arrimaha Dibadda, golayaasha, xildhibaannada iyo guud ahaan shacabka UK ay ula qaybsadeen shacbiga iyo xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ugana tacsiyadeeyeen dhibka gaadhay suuqii ganacsiga ee ugu weynaa Somaliland.
Waxa Madaxweynaha kulanka ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr Ciise Keyd Maxamuud. Dhinaca weftigana waxa safiirka ku wehelinaayey wakiilka dalka Ingiriisku u fadhida Jamhuuriyadda Somaliland marwo Lizzie Walker iyo Morgan Riley oo ah Madaxa Horumarinta Xafiiska UK ee Hargeysa.
