Fahad Yaasiin: “Waan ixtiraamayaa qaraarka Maxkamadda Sare”

MUQDISHO —(Berberanews)-Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah La-taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay inuu ixtiraamayo qaraarka ay Maxkamadda Sare ku diiday inay qaaddo dacwadda kursiga Golaha Shacabka ee HOP086 ee uu isagu soo baxay, balse Guddiga Doorashadu laaleen.
Go’aanka maanta ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayey ku tidhi; “Waxa ay aqbashay hor-is-taagga Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda oo metalaya Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ee ah in aanay Maxkamadda Sare awood u lahayn ka-garnaqidda cabashooyinka la xidhiidha doorashada dadban ee Baarlamaanka 11 aad. Waxa ay go’aamisay in aanay Maxkamadda Sare awood u lahayn ka garnaqidda cabashooyinka ka dhasha go’aannada maamul ee doorashada dadban ee Baarlamaanka 11aad.”
Fahad ayaa qoraal uu soo saaray kadib go’aanka Maxkamadda Sare ku diiday dawcaddiisa waxa uu ku yidhi; “Waxaan Maxkamadda Sare ee dalka u gudbistay 9kii April 2022 cabasho liddi ku ah go’aankii siyaasadeysnaa ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ay ku hakiyeen natiijada tartankii daaha furnaa ee aan u galay kursiga HOP086.”
Waxa uu intaas ku daray, “Qabashada kiiskan ee Maxakamadda Sare iyo tallaabooyinkii ka dambeeyay ee ay qaaday, kuwaasoo ay ku dalbatay in labada dhinacba ay soo gudbiyaan dulucda doodaha ay qabaan iyo dhagaysiga labada dhinac ee warbaahinta laga tabiyeyba waxay caddeynaysaa in Maxkamaddu ay gudagashay gar-maqalka cabashadan.”
“Si kastaba ha ahaatee, markii aan si qotodheer uga baaraandagay qaraarka ay soo saareen garsooreyaashu, waxaan rabaa inaan bulshada Soomaaliyeed la wadaago inaan ixtiraamayo qaraarka ka soo baxay Maxkamadda Sare, oo ah hay’adda ugu sarreysa ee garsoorka dalka, kaasoo ay ku sheegeen in aanay awood u lahayn go’aan ka gaadhista gal-dacwadeedka.”
Go’aanka uu Fahad ku ixtiraamay qaraarka Maxkamadda ayaa muranka hadheeyey kursiga HOP086 ka soo xidhaya dhanka sharciga, mana cadda tallaabada xigta ee uu qaadi doono Fahad Yaasiin.

Berberanews.com