Akhriso: Qoraal wadajir ay u soo saareen Xisbiyada UCID iyi WADDANI

Hargeysa-(Berberanews)-Qoraal ay xisbiyada Mucaaridka ahi xaaladda siyaasadda, Nabadgelyada, Saxaafadda,Doorashooyinka, Arrimaha Bulshada iyo dimuqraadiyadda.

Qoraalka  ayaa waxay ku sheegeen in madaxweyne Biixi uu diiddan yahay sidii jadwal doorasho loogu sameyn lahaa dalka isla markaana uu doonayo in uu kursiga iska sii fadhiyo.

Qoraalka waxa kale oo ay ku sheegeen in Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisu ay qaadeen tubtii kelitaliska.

Xisbiyada ayaa xukuumadda ku eedeeyey tacaddiyo kala duwan oo ay sheegeen in loo gaystay bulshada qaybaheeda kala duwan, iyo weliba hoggaanka xisbiyada qaranka, sida in madaxweynuhu u gacan qaaday guddoomiyaha xisbiga UCID iyo in CID-da looga yeedhay guddoomiyaha xisbiga Waddani.

Qoraalka ay xisbiyadu soo saareen  halkan ka akhriso.