Qarammada Midoobay oo ballanqaadday inay gacan ka geysanayso dib-u-dhiska Waaheen

Hargeysa -(Berberanews)-Qarammada Midoobay, ayaa ballanqaadday inay gacan ka geysan doonto dib-u-dhiska Suuqa Waaheen ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa oo dab xooggan baabi’iyey horraantii bishan April.

Qoraal lagu baahiyey bogga Facebook ee xafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in UN-ku gacan ka geysanayso dhismaha muddada dhow iyo mustaqbalka dheer ee Suuqa Waaheen ee dabku burburiyey 1-2 April 2022.

Qoraalka Qarammada Midoobay oo lagaga warbixiyey socdaal Ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud, ahna Isuduwaha Qarammada Midoobay iyo Xidhiidhiyaha Arrimaha Bani’aadanimo Adam Abdelmoula uu ku tegay Suuqa Waaheen ee dabku baahiyey dhowaan, ayaa lagu yidhi; “Qarammada Midoobay waxa ka go’an in ay taageerto dib-u-dhiska muddada dhow, muddada dhexe iyo muddada fog ee dib-u-dhiska Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.”

Mr. Adam oo booqasho ku tegay Suuqa Waaheen ee gubtay, ayaa sheegay inuu soo arkay xaalad burbur ah oo niyad jabisay, isagoo xusay in burburka suuqaas gaadhay aannu ahayn mid la malayn karo.
“Markii aan arkay burburka uu sababay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen waxay igu noqotay xaalad adag oo niyad-jab leh. Heerka burburka uu gaadhay iyo saamaynya uu ku yeeshay dadka iyo dhaqaalaha, si dadban iyo si toos ahba, maaha wax la malayn karo. Si ba’an ayuu magaalada u saameeyey,” ayuu yidhi sarkaalka Qarammada Midoobay.
“Dib-u-dhiska Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa aad ayuu muhiim u yahay, sidoo kalena ay ahmiyad weyn leeyihiin qorsheyaasha ka-soo-kabashada, si wax looga qabto baahiyaha dadka ugu nugul ee dabku saameeyey,” ayaa lagu soo xidhay qoraalka xafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya.