Maxkamadda Maroodi-jeex oo sii daysay 12 ka mid weriyeyaal xidhnaa

Hargeysa -(Berberanews)-Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa xorriyaddooda u celisay maanta 12 suxufi oo ka mid 15 weriye oo xabsiga loo taxaabay 12kii bishan April, kadib dedaal ay sameeyeen xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Weriyayaashan ayaa qaarkood xabsiga loo taxaabay xilli ay tabin toos ah ka samaynayeen gadood ay sameeyeen maxaabiista ku jira Jeelka Hargeysa, halka kuwa kalena laga qabtay xarumahooda warbaahineed toddobaadkii hore.
Marka laga yimaad saddex saxafi oo xabsiga lagu reebay, waxa xorriyaddooda dib u helay maanta 12 weriye oo ka mid ah 15 suxufi oo muddo toddobaad ah ku xidhnaa xarunta Ciidanka Dembi-baadhista Booliska ee magaalada Hargeysa.
Suxufiyiinta weli xidhan waxa ay kala yihiin; mulkiilaha MMTV Maxamed Cabdi Sheekh Ilig, Cabdijibbaar Maxamed Xuseen oo ka tirsan bahda HCTV iyo Cabdiraxmaan Cali Khaliif (Indho-cadde) oo ka socda Gobonimo TV. Weriyayaasha la sii daayey ayaa sheegay in xorriyadoodu anay dhammaystirnayn inta ay saddexdan suxufi xidhan yihiin.

“Ilaa iyo intaa kale ay xorriyadooda helayaan, waxa weeye xorriyad wali maanu helin.” Waxa sidaa yidhi Axmed Maxamuud oo ka tirsan Saab TV.
“Dad badan ayaa waxa laga yaaba in ay u qaataan in aannu ku faraxsanahay sii dayntayada, waxaannu u sheegaynaa runtii in aanaan aad ugu faraxsanayn, sababtoo ah saddex ka mid ah asxaabtayada ayaa xabsiga nagaga hadhay.” Sidaa waxa yidhi Xasan Saleeban Haaruun (Gallaydh) oo BBC ka tirsan.

Saxafiyiinta ayaa sidoo kale cabasho ka muujiyay sidii loo qabtay.
“Annaga waxa nalaga xidhay Jeelka Hargaysa hortiisa. Runtii waxba manaan duubayn, sawirna manaan qaadayn waxaanu doonaynay in aanu hubino xaaladda, dabeetana ka warbixino waxa ay tahay.” Sidaa waxa markale yidhi Xasan Gallaydh.

Wariyayaashan ayaa xabsiga loo taxaabay xilli ay ka warbixinayeen gadood ay sameeyeen maxaabiista Jeelka Hargeysa, waxana lagu eedeeyey in ay ka been sheegeen xaqiiqda dhacdada Xabsiga.

Berberanews.com