Sirdoonka Millateriga dalalka Bariga Afrika oo kala saxeexday heshiis ka dhana kooxaha argigixisada

Addis Ababa  -(Berberanews)-Hay’adaha Sirdoonka Millateriga ee dalalka Bariga Afrika, ayaa kala saxeexday heshiis iskaashi oo la xidhiidha ammaanka gobolka, la-dagaallanka kooxaha argagixisada iyo qodobbo kale, kadib kulan ay ku yeesheen caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa toddobaadkan.

Shirkan oo ay ka qaybgaleen hay’adaha sirdoonka millateriga ee dalalka Ethiopia, Djibouti, Sudan, South Sudan, Somalia, Tanzania iyo Uganda, waxa ay dhinacyadu carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo feejignaanta joogtada ah iyo dadaallada wadajirka ah ee xasilloonida waddamada gobolka si loola dagaallamo caqabadaha amniga.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya maalintii Axadda, hay’adaha sirdoonka millateriga waddamada Bariga Afrika waxay saxeexeen heshiis is-afgarad ah oo si wadajir ah loogula dagaallamo argagixisada iyo ka-hortagga xoogagga nabad-diidka ah ee khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka.

Dhanka kale, hay’adaha sirdoonka millateriga bariga Afrika, ayaa isku raacay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo ammaanka xuduudaha, amniga internetka, baraha bulshada, ilaalinta degaanka, shaqo la’aanta dhallinyarada iyo kuwo kale si loo abuuro Afrika nabad iyo amni ah. Sida lagu sheegay warka Wasaaradda Difaaca ee Itoobiya.