Madaxweyne Museveni oo ku hanjabay inuu tallaabo ka qaadayo masuulliyiinta Uganda Airlines

Uganda-(Berberanews)-Madaxweyne Museveni ayaa sheegay in uu tallaabo ka qaadi doono mas’uuliyiinta shirkadda Uganda Airlines dib u dhaca ku yimid diyaaraddii qaranka ee duullimaadyada tooska ah ku tagi lahayd UK.

Museveni oo la kulmayay Ergayga Ganacsiga UK ee Uganda iyo Rwanda, Lord Popat oo ay wehlinayso Madaxa Sare ee Britain ee Uganda, Kate Airey, ayaa sheegay inuu ku riixi doono Hay’adda Duulista Rayidka iyo Shirkadda Uganda Airlines in si dhaqso ah loo qabto shaqo si loo hubiyo in Duulimaadyada tooska ah ay bilaabmaan.

balse wuxuu ku adkaystay in masuuliyiintu caajis yihiin. “Waqtigii Amin, waxaan ogaanay in adeegyadii bulshada ay burbursansanaayren, dadkan gabi ahaan waa dulin, kaliya mushaar ayay sugayaan, waxa Uganda ka caawiyay in ay dib u soo kabsato waa ciidamada iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, inkastoo ay jiraan caqabado ka dhashay adeegga bulshada. Waxay ka caawiyeen inuu dhaqaalaha soo kabsado,” ayuu yidhi.

“Shacabka Duulimaadyada waxa ay qaataan Mushahar fiican, maxay u dhamayn la’yihiin Duullimaadka Tooska ah, waa Cadawga dalka”.

Berberanews.com