Komishanka Xuquuqul-insaanka  Somaliland oo ka hadlay xaaladda suxufiyiinta xidhan

Hargeysa-(Berberanews)-War-saxaafadeed:-“Warbixin ku Saabsan Xadhigga 15 suxufi oo ku xidhan xarunta Dembi-baadhista ee Hargeysa:

Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo waraysi la yeeshay saxafiyiintaas waxay u xaqijiyeen in si wanaagsan ula dhaqmeen ciidammada
kala duwan ee gacanta ku haya. Sidoo kale, waxay Komishanka u sheegeen in aanay jirin
waxyaabo xadgudub ah oo ay cidanku kula kaceen muddadii ay xarunta ku xidhnaayeen, inkastoo ay Komishanka u sheegeen inay cidhiidhi tahay goobta ay ku xidhan yihiin, una
baqayaan xaaladooda caafimaad. Sidoo kale, kulan uu Komishanku la yeeshay Taliyaha
Xarunta Dembi-baadhista wuxuu u xaqiijiyey in loo oggolaan doono suxufiyiinta booqashada
eheladooda iyo qareennadooda.”