Iran oo hanjabaad culus u dirtay Israel

Iran-(Berberanews)-Madaxweyne Ebrahim Raisi ayaa uga digay Israa’iil inay sameyso xitaa “dhaqdhaqaaqa ugu yar” ee ka dhanka ah Iran.

Hadalkan ayaa soo baxay Isniintii iyadoo militariga Iran ay soo bandhigeen hub iyo nidaam difaac oo lagu xusayay maalinta ciidanka qaranka.

Munaasabad ballaadhan oo laga sii daayay taleefishinka ayaa laga soo agaasimay munaasabadaasi oo ka dhacday caasimadda Tehran, waxaana ka qeyb galay Raisi iyo saraakiisha ciidamada Iran.

“Fariintayada ku socota maamulka Sahyuuniyadda waa in haddii aad caadi ka dhigayso xidhiidhka aad la leedahay qaar ka mid ah dalalka gobolka, waa inaad ogaataa in xitaa dhaqdhaqaaqyadiinna ugu yar aanay ka qarsoonayn sirdoonka, ammaanka iyo ciidamada qalabka sida,” Raisi ayaa yidhi isaga oo tixraacaya Israel.

“Waana inaad ogaataan in haddii aad samaysaan dhaq-dhaqaaqa ugu yar ee ka dhanka ah qaranka Iran, halka ay u socdaan ciidamadeena qalabka sida ay noqon doonto xarunta taliska Sahyuuniyadda,” ayuu Raisi hadalkiisa ku daray.

Iran ayaa gantaallo ku ridday bishii hore goob ku taal Erbil, oo ah caasimadda gobolka Kurdiyiinta ee waqooyiga Ciraaq. Tehran ayaa ku andacootay in goobtaasi ay adeegsanayso Israel, inkastoo uu beeniyay gudoomiyaha Erbil.

Fariin uu u diray Maraykanka, Raisi waxa uu soo hadal qaaday qirashada af hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Ned Price in ololihii loogu magacdaray “cadaadiska ugu badan” ee madaxweynihii hore ee Donald Trump ee cunaqabataynta adag ee ka dhanka ah Iran uu ku guul daraystay inuu gaadho yoolkiisii ​​ahaa inuu dalka hoos u dhigo.

“Tani waa caqiidada kuwa doonaya inay cadaw u noqdaan aasaaska qudus ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah,” Raisi ayaa yidhi.

Berberanews.com