Dowladda Iran oo si kulul u cambaaraysay Cunsuriga Sweden ee quraanka gubay

Iran-(Berberanews)-Dowladda Iran ayaa si kulul uga jawaabtay dhacdadii lagu gubi rabay qur’aanka kariimka ah ee ka dhacday dalka Sweden.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa arrintan dhaleeceysay, waxayna sheegtay in dhacdadani ay tusaale u tahay faafinta nacaybka iyo ku xad-gudbida xorriyadda hadalka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, Saeed Khatibzadeh, ayaa yiri – Dhacdadan lagu gubayo Qur’aanka Kariimka oo ay ku kaceen cunsuriyiin xagjir ah ayaa ka dhacday booliska hortiisa. Waxa uu sheegay in shucuurta Muslimiinta Sweden iyo dalalka kale ee caalamka ay dhaawacayaan dadka raba inay falkaan ku kacaan.

Isku dhacyo ayaa maalintii afaraad ka socda magaalooyin badan oo ku yaala dalka Sweden, waxaana rabshadaha ay ka dhasheen isku-day ay Kitaabka Quraanka ku gubayaan koox ka soo horjeeda soo galootiga oo uu hor kacayo cunsuri u dhashay dalka Denmark oo lagu magacaabo Rasmus Paludan.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in saddex qof ay ku dhaawacmeen magaalada bari ee Norrköping Axaddii ka dib markii booliska ay rasaas digniin ah ku rideen dibadbaxayaasha.

Dhowr baabuur ayaa lagu gubay ugu yaraan 17 qofna waa la xidhay.

@Bbc Somali