17ka Ramadaan: dagaalkii ugu horreeyay ee dhexmaray Muslimiinta iyo Qureysh

Markaan ku jirno soonka toddoba iyo tobanka bisha Ramadaan, waxaa maskaxdeenna ku soo dhacaya dagaalkii Badar – oo ah dagaalkii ugu horreeyay ee militari ee dhexmara Muslimiinta iyo Qureysh, qabiilka Carabta u badan ee ka soo horjeeday Islaamka.

Dagaalkani waxa uu u noqday madal ay Muslimiintu si kalsooni leh oo dardar cusub leh ugu gudbinayaan farriinta Islaamka, sidaas awgeedna waxa lagu guulaystay in Maddiina laga dhiso maamul-magaaleed Islaami ah.

Dagaalkii Badar oo ah magaalo yar oo koonfur-galbeed kaga beegan magaalada barakaysan ee Madiinah, waxa uu dhacay 17-kii Ramadaan (oo ku beegan March, 624), sannadkii labaad kadib markii uu Nebigu (scw) ka hijrooday magaalada barakaysan ee Makkah ilaa magaalada barakeysan ee Madiina.

Muslimiintu waxay ahaayeen dad aad u tiro yar waxaana si joogto ah u silcin jiray kuwa siyaasadda iyo dhaqaalaha xoogga badan ee Qureysh. Ciidanka Muslimiinta waxa ay ka koobnaayeen 313 nin, laba faras iyo 70 geel ah, wax yar oo qalab dagaal ahna ma jirin – halka cadawgu uu haystay 1,000 ciidan Qureysh ah.

Muslimiintii waxaa u suurtagashay in ay cadawgoodii kaga adkaadaan dagaalkaas in kasta oo laga tiro batay. Xaqa iyo baadilka ayuu Alle ka soocay, waxaana loo yaqanaa dagaalkii kala tagga.
Guushu waxay ku timid edebtii ay soo bandhigeen ciidankii Nebigu, iyo kalsoonida Muslimiinta oo ka dhalatay caqiidadooda diineed, xeelad wax ku ool ah, iyo akhlaaqdooda sare.

Badar waxa kale oo uu tusaale u noqday sida maxaabiista dagaalka loola dhaqmo. Naftoodiina waa laga badbaadiyey; waxaa loola dhaqmay si bini’aadantinimo; waxa la siiyay hoy iyo quud.

Xaqiiqo aad u muhiim ah oo ay tahay in dadka oo dhan ay fahmaan ayaa ah in Islaamku yahay diinta nabadda oo aan cidna lagu soo rogin, laguna khasbin sida uu si cad u sheegay quraanka kariimka ah laftiisa.

Dabeecaddaas nabadeed ee Islaamku waxa ay si cad ugu caddahay in Muslimiinta lagu amray in aanay dagaalamin in la soo weeraro mooyaane, sida Alle yidhi: “La dagaallama Jidka Eebbe kuwa idin kaka dagaallamaya, laakiin ha xad-gudbina, illeen Eebbe ma jecla mid xad gudbee”. (Al Baqarah 190).

Waxa aynu aragnay dad badan oo isku sheega in ay wax ka qoreen caalamka oo soo qaatay aayadaha qur’aanka kariimka ah ee ka hadlaya dagaalka balse si badheedh ah uga fogaanaya kuwa hore iyo kuwan soo socda, kuwaas oo siinaya macnaha guud ee qodobkan.

Marka aan ka hadlayno dagaalladii waaweynaa ee Islaamka, waa in aan si qoto dheer u eegno arrimahaas; taas oo ah in Muslimiintu aanay ahayn kuwo xad-gudbay balse ay la dagaallameen oo keliya kuwa daalimiinta ah.

WQ Maxamed Xarrago