Saxaafadda: Soo Jeedin Tallo Sharci Oo Talmoon.

Sumcad Dilistii Qaranka Ka Soo Gaadhay Warkii Ay Baahiyeen Wariyaasha Badhkood, iyo Kan Iminka Xadhgigoodan Wadarta ah, Qaranka ka soo gaadhaya Keebaa, Waxyeelo Badan? Waa In Laysku Miisaamaa.

Hadaan Si Kooban uga Hadlo xadhiga wariyayaasha maanta dib loo rumaan gareyey, madama aanay jirin khasaare la taabankaro oo ka dhashay war aan xaqiiq ahayn oo ay sheegeen sida ku cad, Qodobka 13aad Farqadiisa 1aad Ee Xeerka Saxaafada oo ka hadlaya Raadinta xaqiiqda uu wariyuhu warka ku raadsanayo oo u dhigan sidatan.

1) Saxaafadda waxa waajib ka saaran yahay inay si wayn ugu taxadiraan soo saaridda qoraalada aan runta ahayn iyo kuwa khaldan ee ay baahinayaan.

Hadba hadii saxaafigu  uu sheego war aan run ahayn ama been abuur ah, waxaa saxafiga ku waajib ah inuu ka garaabo qaladka dhacay oo uu mariyo ama ku baahiyo isla mareegtiisa ama pagekiisii ama TVgii uu warka hore ee khaldan uu ku fidiyay inuu dib ugu fidiyo saxitaanka warka khaldanaa oo uu raaligalin ka bixiyo si waafaqsan Qodobka.13aad Farqadiisa 2aad Oo u dhigan sidatan:

2) Markasta oo la hubiyay in la oo saaray
macluumaad aan run ahayn, war-bixin marin
habaabin ah, ama mid khaldan, waxa
saxaafadda waajib ku ah inay isla markiiba
saxdo, kuna saxdo meel bayaan u muuqata

Hadba madama xeerkani si cad u sheegayo sida loo sixikaro saxafiga waajibkiisa sharci gudanwaaya ee si khaldan war  aanuu hubin u baahiya inuu ku sixi karo baahin kale, mana jirto sabab ay warbaahintu iskugu adkayso ama ay uga meer meerto raaligalinta warka ya tabiyeen ee aanay cadaynteeda haynin.

Sidoo kale majirto sabab uu ciqaab u muto saxafiga aan fal dhaawac qaran iyo mid qofeed oo la taabanaro aan gaysan inuu u xidhnaado war aanad hubin ayaad sheegtay,

Waxa kale oo khalad ah in si wadar ah dadka loo wada xidho isla markaana aan qofwalba aan la cadayn roolka khaldka uu galay si waafaqsan Qodobka.163aad Ee Xeerka Habka Ciqaabta oo dhigaya waa in qof walba loo cadeeyaa sida cadceeda faldanbiyeedka uu galay balse si wadar ah aan loo wada eedayn.

SOO JEEDIN.

ugu danbayn Soo Jeedintaydan waxaan ku soo koobayaa sadexdan qodob ee ku kala Socda, Saxaafada midna Xukuumada, Midna Cidkasta Oo danaynaysa Xoriyad u helida wariyayaasha xidhan .

1. Hogaanada Tvyada ay wariya yaashu ka xidhan yihiin waxaan usoo jeedinayaa in midwaliba khaladkii dagdaga ku dhacay ee Liveka wariyayaasha waxii aan jirin ee Tv gooda ama pagekooda ka baxay ee aanay cadayn u haynin inay raaligalin ka bixiyaan, sifo sharciga waafaqsan si ay xoriyadooda u helaan wariyayaashu. Una dabaqaan Qodobka.13aad ee Xeerka Saxaafada somaliland.

2. Xukuumadana waxaan usoo jeedinayaa madama khaladaadka dhacay aanay ahayn kuwo ay u badheedheen balse ay u muuqato dagdagii Live kii ay ku jireen oo aanay ahayn war la tafatiray oo si badheedha loo baahiyay qofkasta oo indha caafimaad qaba ku eegaana uu daeeemayo inay niyadsamaan ka ahayd wariyaasha,waxaan usoo jeedinayaa in xadhiga wariyayaashu uu ka khasaare badan yahay khaladkii dhacay, isla markaana aanay waliba si wadar ah aanay danbi  u wada galin saxafiyiintu oo aan qaarkood baahintoodaba aan lahaynin isla markaana marka ay raaligalinta ka bixiyaan xoriyadooda loo celiyo.

3. Cidkastoo danaynaysa xoriyad helida saxafiyiinta haday tahay xisbiyo mucaarid ah iyo garyaqaano iyo ehel iyo asxaaba waxaan usoo jeedinayaa inay ku hadlaan hadal wax u taraya nimankaas xidhan balse aan loo aanayn cidbay la casheeyeen oo lagu haystaa iyo hadal kasta oo xuquuqdooda sii fogaynaya oo aan waxba u tarayn in laga gaabsado.

Fiiro Gaar ah.
Waa Talo bilaash ah oo aan aduunka si fudud oo bilaa lacag ah aan lagu helin balse waxaan ku biirinayaa qarankayga iyo bulshadaydan aan wali uwada bisalaan dabaqaada xeerarku sida ugu fudud ee ay u kala bixi lahaayeen.

Xaqsoore Waa Alle

Garyaqaan. Yuusuf Biixi”Talasame”