Nin loo xidhay dacwadda 183 Xayawaan oo tallaagaddiisa ku riday

Booliska gobolka Arizona ee dalka Maraykanka ayaa xabsiga u taxaabay nin tallaagadiisa laga helay 183 xawayaan ah oo ay ka mid yihiin ey, bisado iyo shimbiro oo intuu qabow ku dilay barafoobay.

Micheal Patrick Turland oo ah 43 jir ayaa qirtay inuu xawayaankaas iyaga oo nool tallaagada ku riday, sida uu sheegay xafiiska taliyaha degmada Mohave.

Waxa lagu soo oogay 94 dacwadood oo ah arxan darro xawayaan.

Muuqaallada goobta laga soo qaaday “run ahaantii waa kuwo argagax leh oo qalbi jab leh” ayay tidhi Anita Mortensen oo ah af-hayeenka taliyaha booliska.

” Maadaama oo aan ahay qof xawayaanka jecel, markaan arkay oohin baa joojin waayey” ayay tidhi iyada oo BBC-da la hadlaysay, waxaanay intaa ku dartay in sawirada goobta laga qaaday ay yihiin kuwo aan la baahin karin maadaama oo aan indhaha la siin karin.

Maamulka ayaa haatan baadi goobaya Turland afadiisii oo la yidhaa Brooklyn Beck.

Ninka waxa la xidhay ka dib markii booliska qof shacab ahi ku wargeliyey arinta oo ay u sheegtay in ay masas u geysay Turland si uu u tarmiyo laakiin masaskii ay waday oo muddo dhawr bilood ka dib ah na uu waxba u soo celin waayey.

Haweenaydaas ayaa booliska u sheegay in qofkii uu guriga ka kiraystay u sheegay in Turland iyo afadiisu ay ka guureen guriga.

Waxay sheegtay in markii qofkii guriga lahaa isku dayey inuu gurigii laga guuray nadiifiyo uu ku arkay tallaagad ay ka buuxaan xawayaan dhintay oo dhex taala geerashka guriga waxaana ku jiray qaar ka mid ahaa masaskeedii.

Askrta ayaa sidoo kale ka helay meesha ey, diin, qoratooyin, shimbiro, masas, jiir iyo bakaylayaan dhamaantood barafoobay.

Toban maalmood ka dib dhacdaas, ayaa booliksu waxay heleen war sheegaya in Turland ku soo noqday gurigii markaas ayayna xihdeen.

Ilaa haatan lama oga ujeedada uu kalahaa in uu xawayaankaa barafeeyo.

@Bbc Somali