“Jananku ma reer Awdal ayuu cadawga Somaliland u yaqaana”Xildhibaan Mustafe Khayreeye.

Hargreysa-(Berberanews)-Xildhibaan Mustafe Axmed Khayreeye, oo ka mida mudanyaasha golaha wakiillada Somaliland, ayaa su’aal galiyay cidda uu taliyuhu u yaqaano cadawga Somaliland, in ay reer Awdal tahay.

Waxaanu sidan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook.

“Waxaan is weydiiyey qofka muwaaddinka ah, ee miskiinka ah ee cadaaladda u baahda ama ciidanka booliska wax ka tirsada sida uu dulmi, caddaalad-darro iyo ku tagrifal awoodeed uga badbaadi karo.

Marka xildhibannada xasaanad leh sida xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf,  waxaas aad arkeysaan uu Janankii ciidanku kula kacay, iyadoo hanjabaaddaas iyo digdigtaas ay afxumo iyo masuuliyad xumo uun ay tahay ee aanu wax alle iyo wax uu ku sameyn karaa jirin.

Tani waxay caddeyneysaa in ciidankeennii boolisku xumaadey oo uu maanta u dhaqmayo sidii maleeshiyaadka, uuna gabbaad u noqdey,  tacadiga, tasaruf awoodeed oo aan sharuucda dalku siin iyo ku milan siyaasadeed oo ka saartey nidaamkii ciidan u dhaqmi lahaa.

Marna waxaanan xaqooda lumineyn in kooban oo wanaagsani in ay jirto oo leh saraakiil iyo askarba, balse  aan wax la weydiin oo iyaguba dulmanayaal ah.

Waxa i taabatey Somaliland cadowgeeda ayaad tahay iyo Somaliland ma tihid.

Somaliland dhalashadeeda ma reer baa bixiya
ma masuul aan shaqadiisa garaneyn baa bixiya, ma koox nacamleynta iyo guul wadeynta masaariifta ayaa bixisa.

Waxaan is weydiiyey ayuu u yaqaan jananku cadowga Somaliland? Ma reer Awdal buu u yaqaanaa?
Haddaba Jananka ayeynu ka rabnaa in uu caddeeyo sababta uu xildhibaan qaran ugu tilmaamey cadowga Somaliland,” ayuu ku yidhi qoraalkiisa xildhibaan Mustafe Axmed Khayreeye oo ka tirsan Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.