Afhayeen KULMIYE: “Xildhibaannada xisbiga WADDANI waxay caadaysteen wax ka sheegga ciidammada”

Hargeysa  -(Berberanews)-Xisbul-xaakimka KULMIYE ee haya talada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in xubno ka mid ah xildhibaannada Golaha Wakiillada ee ku abtirsada xisbiga mucaaradka ee WADDANI in ay shaqo ka dhigteen aflegaadaynta iyo ka been abuurka ciidamamda kala duwan ee qaranka.
Afhayeenka xisbiga KULMIYE Mr. Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo warbaahinta kula hadlay caasimadda Hargeysa maanta, ayaa ku eedeeyey xildhibaannada xisbiga WADDANI inay caadaysteen ka-been-abuurka iyo wax-ka-sheegga ciidammada iyo taliyeyaashooda.
“Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee la doortay 31 May  2021, khaasatan xildhibaannada ka soo baxay xisbiga WADDANI waxay caado ka dhigteen wax-ka-sheegga, ka-been-abuurka iyo gacan-u-qaadka Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Buuni.
Waxa kaloo uu sheegay in xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun uu hore gacan ugu qaaday askar ka tirsan ciidanka booliska, xilli shaqaaqo ka dhacday xarunta Golaha Wakiillada, isla markaana ka sugayeen shirguddoonku in uu anshax mariyo, laakiin aanay taasi dhicin.
Afhayeenka KULMIYE oo hadalkiisa ula jeeday xildhibaan Maxamed Abiib oo shalay sheegay in taliyaha boolisku aflagaadeeyey, ayaa xusay in sharcigu xaaraantinimeeyey dhaliisha  ciidammada iyo madaxdooda.
“Waxa ay maraysaa maanta in aflegaado toos ah loo geysto madaxda ciidammada qaranka iyo saraakiisha, taliyayaashooda, taliye-xigeennada iyo dablayda, iyo hawlwadeennada kale ee ku sugan xarumaha ciidammada qaranka. Waxaannu xisbi ahaan aaminsanahay in sida sharcigu u xaarantinimeeyey ay wax ka sheegga ciidammada qaranku xaaraan u tahay,” ayuu yidhi.

Afhayeen Buuni ayaa u soo jeediyey Shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, in ay tallaabo ka qaadaan xildhibaannada uu sheegay inay ku xadgudbeen sharafta ciidammada kala duwan.

Hadalka Buuni ayaa yimi maalin kadib markii uu xildhibaan Maxamed Abiib ku eedeeyey Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale in uu u hanjabay.