10 qof oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacday Columbia, South Carolina

Columbia-(Berberanews)-Toban qof ayaa ku dhaawacantay rasaas ka dib toogasho ka dhacday xarunta Columbiana Center mall ee Columbia, South Carolina, galabnimadii Sabtida, sida ay booliisku sheegeen.

Dhacdadan ayaa dhacday abaare 2:28 duhurnimo, waxaana ciidamada ay ka jawaabeen goobta oo ay bilaabeen inay dukaan dukaan u tagaan si ay dadka u daad gureeyaan, sida ay booliisku sheegeen.

Dadka la toogtay ayaa da’doodu u dhaxaysay 15 ilaa 75 jir, Taliyaha Bilayska Columbia William Holbrook ayaa u sheegay warfidiyeenka shir jaraa’id goor dambe oo fiidkii ah.

Ilaa fiidnimadii Sabtida, laba ka mid ah dhibbanayaashu waxay ku jiraan xaalad halis ah laakiin xaaladdoodu way deggan tahay, ayuu yidhi Holbrook.
“Waxa muhiimka ah ayaa ah inaanan helin wax dhimasho ah,” ayuu u sheegay suxufiyiinta.

Laba qof oo kale ayaa ku dhaawacmay isbuurashada (Is-jiidhka) ka dib dhacdadan, ayuu yidhi Holbrook.

Taliyuhu waxa uu sheegay in saddex qof oo uu ku tilmaamay “dad dano leh” la xidhay.

Shaqsiyaadka aan la aqoonsan ayaa la arkayay iyagoo hubeysan waxaana ugu yaraan mid ka mid ah la sheegay inuu toogtay, sida uu sheegay Holbrook.

“Ma aaminsanin in tani ay ahayd mif shakhsi u gaara,” ayuu yidhi. “Waxaan aaminsanahay in shakhsiyaadkii hubaysnaa ay is garanayeen.”

Milkiilayaasha bakhaarku ayaa xidhay oo dadka meel ku ururiyay markii ay booliisku dhex marayeen xarunta wax iibsiga, ayuu yidhi Holbrook.
Waxay dib ula midoobeen asxaabtooda iyo xubnaha qoyskooda.

South carolina shooting