Zimbabwe: 35 qof oo ku naf waayay shil baabuur

Zimbabwe-(Berberanews)-35 qof oo kaniisad kusoo cibaadeysanayay ayaa ku dhintay shil bas oo ka dhacay dalka Zimbabwe.

In ka badan 70 kale ayaa si xun ugu dhaawacmay shilkaasi habeenimadii Khamiista.

Baska ayaa waxaa la socday xubno ka tirsan kaniisada Zion Christian Church, kuwaas oo u socday xaflad ka dhacaysay bariga magaalada Chipinge, waxaana baabuurka uu ka baxay wadada oo uu ku dhacay meel aad u dheer.

Afhayeenka booliiska, kaaliyaha komishaneer Paul Nyathi, ayaa sheegay in uu u malaynayo in baska uu si xad dhaaf ah u rarnaa.
Waxa uu intaa ku daray in boolisku ay isku dayaan inay ka waaniyaan wadayaasha basaska inay safraan habeenkii.

Weriyeyaasha ayaa sheegaya in shilalka noocaan oo kale ah ay ku badan yihiin dalka Zimbabwe xilliyada fasaxa ah ee dadweynaha, iyadoo waddooyinka ay yihiin kuwa aad u mashquul badan.
Waxa kale oo jira godad badan, kuwaas oo ka qayb qaata shilalka.

Berberanews.com
Info@berberanews.com