Maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo Amartay in 5 Maalmood Xabsiga lagu sii hayo Suxufiyiinta xidhan

Hargeysa -(Berberanews)-Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, ayaa xalaalaysay in shan maalmood oo dheeraad ah xabsiga lagu sii hayo 13 suxufi oo loo xidhay tabinta shaqaaqo ka dhacday gudaha Jeelka Dhexe ee magaalada Hargeysa badhtamihii toddobaadkan.
Maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo la horgeeyey 13ka suxufi maanta, ayaa dhageysatay eedaymaha Xeer-ilaalintu ku soo oogtay, iyadoo goobta ay ku sugnaayeen qareennada difaacaya weriyayaasha, kadibna waxay Maxkamaddu go’aamisay in dhegaysiga kiiska weriyeyaashu si rasmi ah u bilaambi doono shan maalmood kadib, markaas kadibna go’aan ka soo saari doonto dacwadooda.
Geesta kale, kulan ay isugu yimaaddeen xalay qaar ka mid ah qaybaha kala duwan ee warbaahinta madaxabannaan ee Somaliland  ayaa lagaga wadahadlay xadhigga suxufiyiinta tirada badan, falanqayn dheer kadibna waxa kulankaas ka soo baxay qodobbo ay ka mid yihiin inay ka ka baaraan degayaan la sii shaqeynta xukuumadda Madaxweyne Biixi.