Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo Wasaaradda Hawlaha Guud oo wadajir u samaynaya nashqadda dhismaha Waaheen

Hargeysa – Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday in nashqadaynta dhismaha cusub ee Suuqa Waaheen ay si wadajir ah u samayn doonaan Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa.
Qoraal ka soo baxay Dawladda Hoose ee Hargeysa maanta, ayaa lagu yidhi sidan: “Maayar-ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa Md Khadar Axmed Cumar iyo qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha Degaanka Caasimadda Hargaysa, ayaa maanta ka qaybgalay kulan lagaga hadlayey dejinta qaabka ay u ekaan doonto nashqadda dhismaha cusub ee Suuqa Waaheen.
Kulankan waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha.
Nashqadaynta Suuqa Waaheen waxa si wadajir ah uga shaqayn doona injineerro ka socda labada dhinac ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa.”